Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar, Dr. Abdullah bin Abdulaziz bin Turki Al Subaie, xilli uu socday shirka COP31 ee magaalada Antalya, dalka Türkiye.
Wadahadallada labada wasiir ayaa diiradda lagu saaray sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga Soomaaliya iyo Qatar ee dhinacyada ilaalinta deegaanka, la-qabsiga isbeddelka cimilada iyo dardargelinta dhammaystirka heshiiska is-afgaradka (MoU) ee ku saabsan iskaashiga deegaanka.
SHEEKOOYIN KALE
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo qaaday ilaalinta kala-duwanaanshaha noolaha, dib-u-soo-celinta dhulalka xaalufay iyo dhiirrigelinta isticmaalka tamarta dib loo cusboonaysiin karo.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta aqoonta iyo xirfadaha khubarada Soomaaliyeed, iyada oo loo marayo tababarro, is-dhaafsiga khibradaha iyo horumarinta awoodda hay’adaha ka shaqeeya arrimaha deegaanka, si loo hirgeliyo iskaashi waara oo waafaqsan mudnaanta labada dal.
XIGASHO:SONNA























