| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Balanballe Kaga Qeyg-galay Munaasabadda Dib-u-heshiisiinta
RW Xamza iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud, si ay uga qayb galaan munaasabadda lagu soo gabagabeynayo heshiiska dib-u-heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee Balanballe iyo Guriceel.
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Balanballe Kaga Qeyg-galay Munaasabadda Dib-u-heshiisiinta
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Balanballe Kaga Qeyg-galay Munaasabadda Dib-u-heshiisiinta

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Isniintii gaaray degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud, halkaas oo garoonka diyaaradaha ay ku soo dhaweeyeen Madaxweynaha Dawlad-goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, musharraxa hoggaanka Galmudug Liibaan Axmed Xasan, mas’uuliyiin kale iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Balanballe u jooga munaasabadda lagu soo gabagabeynayo heshiiska dib-u-heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee Balanballe iyo Guriceel, waxaana magaalada sidoo kale laga dhagax-dhigi doonaa Guriga Nabadda ee degmada Balanballe.

Munaasabadda soo dhaweynta ayaa ka tarjumaysa nabadda ka hanaqaadday deegaanka iyo sida shacabka Balanballe ay u qiimeynayaan dib-u-heshiisiinta la gaaray.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa safarka ku weheliya xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo mas’uuliyiin dawladeed.

XIGASHO:SONNA