Dowladda Eriteriya ayaa Khamiistii ku dhawaaqday inay gabi ahaanba xiriirkii diblumaasiyadeed u jartay dalka ay deriska yihiin ee Itoobiya, iyadoo tallaabadan kaga jawaabaysa go’aan ay xukuumadda Addis Ababa dalkeeda uga cayrisay 10 diblumaasi oo u dhashay Eriteriya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eriteriya ayaa qoraal ay ku baahisay barteeda xiriirka bulshada ee X ku sheegtay inaysan haysan wax doorasho ah oo aan ka ahayn inay Itoobiya kaga jawaabto tallaabo la mid ah.
“Eriteriya ma haysato doorasho kale oo aan ka ahayn inay si la mid ah uga jawaabto oo ay jarto dhammaan xiriirka diblumaasiyadeed ee Itoobiya, iyadoo ay la socdaan dhammaan cawaaqibta taban ee arrintaasi leedahay,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay xukuumadda Asmara.
Cayrinta Diblumaasiyiinta iyo Eedeymaha Itoobiya
Go’aanka Eriteriya ayaa yimid saacado uun kaddib markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ay Khamiistii bayaan ay soo dhigtay barta Facebook ugu dhawaaqday in 10 diblumaasi oo Eritrean ah oo ku sugnaa Addis Ababa ay yihiin “shakhsiyaad aan dalka laga rabin” (Persona non grata), iyadoo u qabatay muddo ay dalka uga baxaan.
Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay inay go’aankan qaadatay kaddib markii diblumaasiyiintaas lagu helay inay ku lug lahaayeen falal ay ku tilmaamtay kuwa “khatar toos ah” ku ah amniga qaranka Itoobiya.
Sidoo kale, Itoobiya ayaa shaacisay inay xirayso safaaraddeeda ku taalla magaalada Asmara ee caasimadda Eriteriya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa xiritaanka safaaraddeeda ku sabameysay inay tahay “jawaab u ah falalka cadaawadeed iyo kuwa colaad-hurinta ah ee tooska iyo dadbanba leh ee ay Eriteriya kula kacayso Itoobiya.”
Go’aannadan is-daba-joogga ah ee ay qaateen labada xukuumadood ayaa horseeday in xiriirkii diblumaasiyadeed ee Addis Ababa iyo Asmara uu gabi ahaanba istaago, taas oo weji cusub u yeelaysa xiisadda siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika.





















