| Somali
CAALAMKA
5 daqiiqo akhris
Soomaaliya: Doorashooyin qof iyo cod ah oo ka bilowday maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle
Goobaha codbixinta ayaa 30-ka Sebteembar laga furay degmooyin iyo deegaanno ka tirsan labada dowlad-goboleed, iyadoo shacabku ay codkooda ku dooranayaan xubnaha golayaasha wakiillada iyo kuwa deegaanka
Soomaaliya: Doorashooyin qof iyo cod ah oo ka bilowday maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle
Shacabka ku nool dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa Arbacadii u dareeray doorashooyin qof iyo cod ah / Others

Shacabka ku nool dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa Arbacadii u dareeray doorashooyin qof iyo cod ah, taas oo astaan u ah tallaabo kale oo muhiim ah oo Soomaaliya ay ugu sii gudbeyso nidaam doorasho oo toos ah, kaddib sannado badan oo siyaasadda dalku ay ku dhisneyd doorashooyin dadban iyo hannaan ku saleysan ergada beelaha.

Goobaha codbixinta ayaa 30-ka Sebteembar laga furay degmooyin iyo deegaanno ka tirsan labada dowlad-goboleed, iyadoo shacabku ay codkooda ku dooranayaan xubnaha golayaasha wakiillada iyo kuwa deegaanka.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa magaalada Dhuusamareeb ka daah-furay doorashooyinka ka socda Galmudug iyo Hirshabeelle, isagoo xubno kale oo guddiga ka tirsan ku wehliyay kormeerka goobo codbixin oo kala duwan.

Dhanka kale, Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga, Saadiq Abshir Garaad, ayaa isna magaalada Jowhar ka daah-furay codbixinta Hirshabeelle.

Dadweyne tiro badan ayaa safaf dhaadheer u galay goobaha codbixinta ee labada maamul, halkaas oo hawlwadeennada doorashadu ay ku maamulayeen hannaanka codbixinta, iyadoo wakiillada ururrada siyaasadduna ay goob-joog ka ahaayeen habsami-u-socodka shaqada.

Soomaaliya ayaa markii ugu dambeysay doorashooyin toos ah oo heer qaran ah qabatay kahor afgambigii milateriga ee sannadkii 1969-kii, waxaana tan iyo xilligaas doorashooyinka dalka intooda badan lagu soo maamulayay nidaam dadban.

Hirshabeelle oo u dareertay doorasho toos ah

Gudaha Hirshabeelle, muwaadiniinta ayaa codkooda u dhiibanaya musharraxiinta u tartamaya kuraasta Golaha Wakiillada iyo golayaasha deegaanka.

Guddiga Doorashooyinka ayaa horay u qorsheeyay in doorashadani ay dhacdo bishii Agoosto, balse jadwal dib loo cusbooneysiiyey ayaa codbixinta loogu asteeyey 30-ka Sebtembar.

Maalin kahor doorashada, Guddiga Doorashooyinka ayaa magaalada Jowhar kulan kula qaatay madaxda iyo wakiillada ururrada siyaasadda, kaas oo diiradda lagu saaray adkeynta u-hoggaansanaanta sharciga, hab-raacyada, iyo anshaxa doorashada.

Guddigu waxa uu dhinacyada ku boorriyey inay ilaaliyaan amniga, kala-dambeynta, iyo hufnaanta doorashada, isla markaana wakiillada ururrada siyaasadda ee ku sugan goobaha codbixintu aysan faragelin shaqada madaxa-bannaan ee hawlwadeennada.

Waxaa sidoo kale kulankaas lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in codbixinta, tirinta, iyo diiwaangelinta natiijooyinku ay u dhacaan si nidaamsan oo waafaqsan sharciga, iyadoo madaxda ururrada siyaasadduna ay dhankooda ballan-qaadeen inay si buuxda ula shaqeynayaan guddiga.

Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), oo xilka hayay tan iyo bishii Nofembar 2020, ayaa ka mid ahaa dadka maanta codkooda dhiibtay.

Guudlaawe oo mar kale u tartamaya hoggaanka maamulkaas ayaa matalaya Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Markii uu codkiisa dhiibtay kaddib, waxa uu maalintan ku tilmaamay mid taariikhi u ah shacabka Hirshabeelle.

Si kastaba ha ahaatee, doorashadan ayaa ku soo beegmeysa xilli qaybo ka mid ah deegaannada Hirshabeelle ay weli ka jiraan aragtiyo siyaasadeed oo kala duwan, kuwaas oo la xiriira hannaanka doorashada iyo awood-qaybsiga maamulkaas.

Galmudug oo qabatay doorasho ku-celis ah

Doorashada ka socota Galmudug ayaa ka duwan tan Hirshabeelle, maadaama ay tahay mid ku-celis ah. Doorashadii qof iyo codka ahayd ee Galmudug ka dhacday 30-kii Luulyo ayaa waxaa 24-kii Agoosto laashay Maxkamadda Sare ee Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa go'aamisay in doorashadii hore aysan u dhicin si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda doorashooyinka, iyadoo xustay in khaladaadkii dhacay ay wax u dhimi kareen hufnaanta, xorriyadda, iyo caddaaladda hannaankaas, waxayna amartay in doorashada dib loo qabto. Guddiga Doorashooyinka ayaa aqbalay xukunkaas, isagoo 30-ka Sebtembar u asteeyey maalinta codbixinta ku-celiska ah.

Laba iyo toban urur-siyaasadeed ayaa buuxiyey shuruudihii looga baahnaa ka-qaybgalka doorashada ku-celiska ah ee Galmudug, kaddib markii ay waqtigii loogu talagalay ku soo gudbiyeen liisaska musharraxiintooda.

Hase-yeeshee, Ururka Towfiiq - oo horay u gudbiyey dacwaddii sababtay in maxkamaddu laasho natiijadii bishii Luulyo - kama qayb-galayo doorashadan.

Guddiga ayaa sheegay in ururkaasi uusan waqtigii loo qabtay ku soo gudbin musharraxiintiisa, halka mas'uuliyiinta Towfiiq ay ka horyimaadeen go'aankaas, iyagoo dalbaday in dib looga fiirsado.

Dhanka kale, Liibaan Axmed Xasan, oo ah musharraxa xisbiga JSP u matalaya hoggaanka Galmudug, ayaa codkiisa ka dhiibtay magaalada Gaalkacyo, wuxuuna ku tilmaamay maalin taariikhi ah oo u soo hoyatay shacabka gobolkaas.

Doorashada Galmudug ayaa imanaysa xilli Madaxweynaha hadda xilka haya, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), uu horay u shaaciyay inuusan mar kale u tartami doonin xilkaas, taas oo ka dhigan in maamulkaasi uu yeelan doono hoggaan cusub marka la soo gabagabeeyo geeddi-socodka doorashada.

Haweenka iyo qoondada 30-ka boqolkiiba

Ka-qaybgalka haweenka ayaa ka mid ahaa qodobada sida weyn looga dooday intii lagu guda-jiray diyaar-garowga doorashooyinkan.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Cabdikariim Axmed Xasan, ku-xigeenkiisa, Xoghayaha Guud, iyo xubno kale oo guddiga ka tirsan ayaa kulan gaar ah la yeeshay Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, kaas oo looga arrinsaday sidii loo xaqiijin lahaa qoondada boqolkiiba 30-ka ee haweenka.

Golaha Haweenka ayaa guddiga ku bogaadiyey dadaallada uu ku cadaadinayo ururrada siyaasadda si ay u dhowraan qoondadaas, balse waxay muujiyeen in weli aan la gaarin tiradii loogu talagalay haweenka ee golayaasha la soo doorto.

Guddoomiyaha Guddiga ayaa dhankiisa ballan-qaaday inay sii xoojin doonaan la-xisaabtanka ururrada siyaasadda si loo xaqiijiyo qoondada haweenka, isagoo sidoo kale xusay in la qaban doono kulamo toos ah oo dhexmara haweenka iyo ururrada siyaasadda. Labada dhinac ayaa isla qaatay in wada-tashiyada noocan ah la joogteeyo si haweenku ay door muuqda ugu yeeshaan hannaanka doorashooyinka dalka.

Ballaarinta nidaamka qof iyo codka

Doorashooyinka ka qabsoomay Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa sii ballaarinaya hannaanka doorashooyinka tooska ah ee ay Soomaaliya muddooyinkii dambe dib ugu soo celineysay saaxadda siyaasadda.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa bishii Maajo ee la soo dhaafay qabtay doorashooyin toos ah oo lagu soo doortay golayaasha deegaanka iyo baarlamaanka maamulkaas.



XIGASHO:TRT SOMALI
Raadi Warar Kale
Madaxweynaha Hirshabeelle oo Codkiisa Dhiibtay iyadoo Doorashooyinka Deegaanku Socdaan
Jabuuti oo si kulul u cambaareysay xad-gudubka Israa'iiliyiinta ee Masjidka Al-Aqsa
Siddeed badmaax oo Masaari ah oo laga sii daayay markab lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya oo wada-hadallo la yeeshay dhiggiisa Jabuuti
Haweeneydii ugu horreysay abid oo loo magacaabay xilka Ra'iisul Wasaaraha dalka Marooko
Ra’iisul Wasaaraha Qatar oo Netanyahu ku tilmaamay ‘dambiile dagaal’
SoDMA iyo WHO oo Ka Wada Hadlay U Diyaar-garowga Xaaladaha Degdegga ah ee Caafimaadka
Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya oo Gaaray Algeria suu uga Qaybgalo Kulamo Dhaqaale
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Muqdisho ka Furay Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya
Aqoonyahanno iyo Xirfadlayaal Soomaaliyeed oo ka Yimid Saddex Qaaradood oo Lagu Maamuusay Edmonton
Soomaaliya iyo Brazil oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Waxbarashada iyo Ganacsiga
Sacuudi Carabiya oo dib u billowday dhoofinta shiidaalka ee dekedda Yanbuc
Maamulka Suudaan oo RSF ku Eedeeyay Weerarro Lagu Qaaday Xarumaha Rayidka ee El-Obeid
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed
Soomaaliya iyo UN-Habitat oo ka Wada Hadlay Guriyeynta iyo Horumarinta Magaalooyinka
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Kormeeray Adeegyada iyo Nidaamyada Diiwaangelinta Madaniga ah
Guddoomiyaha SoDMA iyo Taliyaha Ciidanka Badda oo ka Wada Hadlay u Diyaar-garowga El Niño
RW Xamsa oo Ballidoogle ku guddoomiyey qalin jabinta cutubyo ka tirsan Kumaandooska Danab
Soomaaliya oo xarumo waxbarasho, caafimaad u dhisaysa carruurta askartii ku dhimatay difaaca dalka
Dhakhaatiirta Suudaan oo RSF ku Eedeeyay Bililiqeysiga Isbitaal ku yaalla Magaalo Dib Looga Qabsaday