| Somali
CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Ra’iisul Wasaaraha Qatar oo Netanyahu ku tilmaamay ‘dambiile dagaal’
Sheekh Maxamed ayaa sidoo kale Netanyahu ku eedeeyey inuu Qatar ku hayo weerarro siyaasadeed, si uu indhaha caalamka uga leexiyo falalka lagu eedeynayo isaga iyo xukuumaddiisa
Ra’iisul Wasaaraha Qatar oo Netanyahu ku tilmaamay ‘dambiile dagaal’
Ra’iisul Wasaaraha Qatar ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, Sheekh Maxamed bin Cabdiraxmaan Al Thani / reuters

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, Sheekh Maxamed bin Cabdiraxmaan Al Thani, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ku tilmaamay “dambiile dagaal”, isagoo dhanka kale xaqiijiyay in xukuumadda Doha ay sii wadi doonto dadaallada dhex-dhexaadinta ah, inkastoo xiisadaha gobolku ay sare u kaceen.

Wareysi uu Talaadadii siiyey wariyaha u dhashay dalka Britain ee Piers Morgan, ayaa Sheekh Maxamed lagu weydiiyey bal inuu Netanyahu u arko dambiile dagaal.

“Dabcan. Waxa Qaza laga geystay waa dambiyo dagaal, qof kasta oo mas’uul ka ahna waa dambiile dagaal,” ayuu yiri.

Waxa uu tilmaamay in la bartilmaameedsaday isbitaallo iyo iskuullo, isagoo intaas ku daray in dood kasta oo lagu difaacayo falalkaas aysan marmarsiiyo u noqon karin weerarrada noocaas ah.

Sheekh Maxamed ayaa sidoo kale Netanyahu ku eedeeyey inuu Qatar ku hayo weerarro siyaasadeed, si uu indhaha caalamka uga leexiyo falalka lagu eedeynayo isaga iyo xukuumaddiisa.

Weerarkii Doha

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa mar kale cambaareeyey weerarkii ay Israa’iil 9-kii Sebtembar 2025 ka geysatay magaalada Doha, kaas oo lagu bartilmaameedsaday saraakiil ka tirsan ururka Xamaas, xilli ay Qatar wadday dadaallo dhex-dhexaadin ah. Weerarkaas ayaa lagu dilay shan xubnood oo ka tirsanaa Xamaas iyo sarkaal amni oo u dhashay dalka Qatar.

“Waxaa na soo weerartay Israa’iil annagoo dhex-dhexaadin wadna,” ayuu yiri Sheekh Maxamed, oo dhacdadaas ku tilmaamay weerar aan horay loo arag oo lagu qaado dal dhex-dhexaadinaya dhinacyo is-haya. Waxa uu intaas raaciyay in Netanyahu uu “xaddiga ka gudbay”, sida uu hadalka u dhigay.

Dhex-dhexaadinta Mareykanka iyo Iiraan

Inkasta oo khilaafaadka gobolku ay sii xoogeysanayaan, Sheekh Maxamed waxa uu hoosta ka xarriiqay in Qatar aysan ka laaban doonin dadaalladeeda diblumaasiyadeed, isagoo xusay in Doha ay isku dayeyso inay talooyin iyo waddooyin xal ah u soo bandhigto Mareykanka iyo Iiraan.

Qatar ayaa maalmahan sii wadday gudbinta farriimaha u dhexeeya Washington iyo Tehran, iyadoo wada-hadallada diiradda lagu saarayo sidii loo yareyn lahaa xiisadda, dibna loogu soo celin lahaa hannaanka wada-xaajoodka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay in saddex qodob ay muhiim u yihiin dejinta xiisadda gobolka; kuwaas oo kala ah: barnaamijka nukliyeerka Iiraan iyo cunaqabateynta saaran, xorriyadda isu-socodka maraakiibta ee Marinka Hormuz, iyo dhisidda qaab-dhismeed amni oo goboleed oo ay qayb ka yihiin Iiraan iyo dalalka ku bahoobay Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC).

Waxa uu xusay in nidaam kasta oo amni oo gobolka laga yagleelayo ay tahay inuu ku saleysnaado wada-hadal, faragelin la’aan, iyo inaan la isku gardarroon, iyadoo dhanka kalena la xoojinayo iskaashiga dhaqaale.

‘Xalka nabadeed ayaa mudnaanta leh’

Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Majed Al Ansari, ayaa sheegay in Doha ay sii waddo xiriirrada iyo dhex-dhexaadinta u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan.

Waxa uu tilmaamay in dalkiisu uu gudbinayo farriimo labada dhinac ah, isla markaana ay ka walaacsan yihiin in xiisadda milateri ay sii fido.

Dadaallada Qatar ayaa socda xilli Washington iyo Tehran aysan weli heshiis ka gaarin qodobbada ugu waaweyn ee khilaafka, inkastoo labada dhinac ay sii wadaan xiriirro dadban oo ay Doha garwadeen ka tahay.

Xukuumadda Doha ayaa ku adkeysaneysa in wada-hadalka iyo diblumaasiyaddu ay yihiin waddada keliya ee ugu habboon ee looga hortagi karo dagaal kale oo ballaaran oo ka qarxa gobolka.

XIGASHO:َAA
Raadi Warar Kale
Madaxweynaha Hirshabeelle oo Codkiisa Dhiibtay iyadoo Doorashooyinka Deegaanku Socdaan
Jabuuti oo si kulul u cambaareysay xad-gudubka Israa'iiliyiinta ee Masjidka Al-Aqsa
Siddeed badmaax oo Masaari ah oo laga sii daayay markab lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya oo wada-hadallo la yeeshay dhiggiisa Jabuuti
Haweeneydii ugu horreysay abid oo loo magacaabay xilka Ra'iisul Wasaaraha dalka Marooko
Soomaaliya: Doorashooyin qof iyo cod ah oo ka bilowday maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle
SoDMA iyo WHO oo Ka Wada Hadlay U Diyaar-garowga Xaaladaha Degdegga ah ee Caafimaadka
Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya oo Gaaray Algeria suu uga Qaybgalo Kulamo Dhaqaale
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Muqdisho ka Furay Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya
Aqoonyahanno iyo Xirfadlayaal Soomaaliyeed oo ka Yimid Saddex Qaaradood oo Lagu Maamuusay Edmonton
Soomaaliya iyo Brazil oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Waxbarashada iyo Ganacsiga
Sacuudi Carabiya oo dib u billowday dhoofinta shiidaalka ee dekedda Yanbuc
Maamulka Suudaan oo RSF ku Eedeeyay Weerarro Lagu Qaaday Xarumaha Rayidka ee El-Obeid
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed
Soomaaliya iyo UN-Habitat oo ka Wada Hadlay Guriyeynta iyo Horumarinta Magaalooyinka
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Kormeeray Adeegyada iyo Nidaamyada Diiwaangelinta Madaniga ah
Guddoomiyaha SoDMA iyo Taliyaha Ciidanka Badda oo ka Wada Hadlay u Diyaar-garowga El Niño
RW Xamsa oo Ballidoogle ku guddoomiyey qalin jabinta cutubyo ka tirsan Kumaandooska Danab
Soomaaliya oo xarumo waxbarasho, caafimaad u dhisaysa carruurta askartii ku dhimatay difaaca dalka
Dhakhaatiirta Suudaan oo RSF ku Eedeeyay Bililiqeysiga Isbitaal ku yaalla Magaalo Dib Looga Qabsaday