Xukuumadda Masar ayaa Arbacadii shaacisay in la sii daayay siddeed badmaax oo u dhashay dalkaas, kuwaas oo muddo ku dhow shan bilood la haystay kaddib markii lala afduubtay markabka shidaalka qaada ee M/T Eureka.
Markabkan oo bishii Maajo la qabsaday ayaa markii dambe loo weeciyay dhanka xeebaha Soomaaliya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa xaqiijisay in sii-deynta shaqaalahan ay timid kaddib wada-xaajoodyo iyo dadaallo diblumaasiyadeed oo soo socday muddo, kuwaas oo ay Qaahira la yeelatay mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo Yemen.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa safaaradda dalkiisa ee Muqdisho faray inay qaabisho badmaaxiinta, xaqiijiso xaaladdooda caafimaad, isla markaana ay diyaargarow u sameyso sidii ay Masar ugu laaban lahaayeen duullimaadka ugu horreeya ee suurtagalka ah.
Wasaaraddu waxay xustay in muddadii ay badmaaxiintu ku jireen gacanta afduubayaasha, ay xiriir la lahaayeen qoysaskooda si ay ugu xaqiijiyaan badqabkooda.
Qaabka Afduubka u Dhacay
Markabka M/T Eureka oo sita calanka dalka Togo, ayaa 2-dii Maajo lagu afduubtay meel u dhow dekedda Qana ee gobolka Shabwah ee dalka Yemen.
Ciidamada Ilaalada Xeebaha Yemen ayaa xilligaas weriyay in kooxo hubeysan ay xoog ku qabsadeen markabka, kaddibna ay u jiheeyeen dhanka Gacanka Cadmeed iyo xeebaha Soomaaliya.
Markabka ayaa siday ku dhowaad 2,800 oo tan oo shidaal ah, waxaana saarnaa shaqaale ka kooban 12 badmaax oo isugu jira Masaari iyo Hindi, kuwaas oo siddeed ka mid ah ay ahaayeen muwaadiniin u dhashay Masar.
Khatarta Burcad-badeedda oo soo rogaal-celisay
Afduubka M/T Eureka ayaa dhacay xilli ay soo baxayeen digniino la xiriira dhaq-dhaqaaqyo burcad-badeednimo oo dib uga soo cusboonaaday marin-biyoodka u dhow Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed.
Ciidamada Midowga Yurub ee la dagaallama burcad-badeedda (EU NAVFOR) ayaa bishii Luulyo xaqiijiyay in M/T Eureka uu ka mid ahaa dhowr markab oo loo diiwaangeliyey inay la kulmeen weerarro burcad-badeednimo oo ka dhacay xeebaha waqooyi ee Soomaaliya.
Falalka burcad-badeednimada Soomaaliya ayaa heerkoodii ugu sarreeyay gaaray intii u dhexaysay sannadihii 2008 ilaa 2018, balse hoos u dhac weyn ayaa ku yimid sannadihii xigay, kaddib hawlgallo ciidan oo isugu jira kuwo caalami ah iyo dadaallo amni oo dalka gudihiisa ah
Si kastaba ha ahaatee, dhaq-dhaqaaqyadan ayaa mar kale dib u soo muuqday dabayaaqadii 2023-ka, iyadoo maraakiib dhowr ah lala beegsaday xeebaha Soomaaliya iyo biyaha ku dhow.





















