Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Xamza Aadan Haadow, ayaa furay tababar saddex maalmood soconaya oo hay’adaha amniga Soomaaliya lagu barayo xuquuqaha gaarka ah iyo xasaanadda diblomaasiyadeed.
Tababarka oo uu soo qabanqaabiyay Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda ayaa waxaa ka qaybgalaya mas’uuliyiin ka socda CID, Ciidanka Taraafikada, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo hoggaamiyeyaasha amniga ee dalka.
Ka qaybgalayaasha ayaa lagu barayaa xuquuqaha iyo xasaanadaha uu dhigayo Heshiiska Vienna ee ay leeyihiin diblomaasiyiinta ajnabiga ah ee ku sugan Soomaaliya iyo diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka hawlgala dibadda.
Xamza Aadan Haadow ayaa sheegay in dhowrista xasaanadda diblomaasiyadeed ay muhiim u tahay gudashada waajibaadka Soomaaliya ka saaran xubin mas’uul ah oo ka tirsan beesha caalamka.




























