Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qaybgalay Madasha Ganacsiga Al-Alamein–Afrika ee lagu qabtay magaalada Al-Alamein ee dalka Masar, taas oo isu keentay hoggaamiyeyaasha Afrika, wasiirro, hoggaamiyeyaasha ganacsiga, maalgashadayaal iyo hay’ado maaliyadeed.
Khudbaddiisa, Madaxweynaha ayaa kaga hadlay isbeddellada dhaqaale iyo siyaasadeed ee caalamka, wuxuuna iftiimiyay muhiimadda iskaashiga Afrika iyo isdhexgalka dhaqaale. Wuxuu ugu baaqay dalalka Afrika inay si wanaagsan uga faa’iideystaan kheyraadkooda dabiiciga ah, awoodda dadkooda iyo fursadaha maalgashi ee ka jira suuqyada Afrika.
“Soomaaliya ma aha oo keliya dal ka soo kabanaya colaado; waa dal dib u dhisaya oo dib u habeynaya dhaqaalihiisa. Waxaan u furan nahay ganacsi iyo maalgashi, waxaana soo dhaweyneynaa cid kasta oo diyaar u ah inay nala dhisto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wuxuu ugu baaqay ganacsatada iyo shirkadaha Afrika iyo maalgashadayaasha caalamiga ah inay sahamiyaan fursadaha ka jira Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in maalgashiga wax-soo-saarka leh uu muhiim u yahay shaqo-abuurka, kobaca dhaqaalaha iyo horumarka waara.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale adkeeyay in mustaqbalka dhaqaale ee Afrika uu ku xirnaan doono iskaashi iyo maalgashi xooggan, iyadoo dalalku si wadajir ah uga shaqeynayaan horumarinta ganacsiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, maalgelinta iyo isdhexgalka suuqyada.




















