| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Hindiya oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Warfaafinta iyo Dhaqanka
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamed, ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Safiirka Hindiya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya, Adarsh Swaika, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada warfaafinta.
Soomaaliya iyo Hindiya oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Warfaafinta iyo Dhaqanka
Soomaaliya iyo Hindiya oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Warfaafinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamed, ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Safiirka Hindiya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya, Adarsh Swaika, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada warfaafinta iyo dhaqanka.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamed, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula yeeshay Safiirka Hindiya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya, Adarsh Swaika.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Hindiya ee dhinacyada warfaafinta iyo dhaqanka, gaar ahaan horumarinta iyo kobcinta xirfadaha shaqaalaha, u gudbidda nidaamyada dijitaalka ah, iyo xoojinta iskaashiga kooxaha fanka iyo dhaqanka.

Wasiir Cabdifataax Qaasim ayaa dowladda Hindiya uga mahadceliyay taageerada iyo iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu horumarinayo warbaahinta qaranka, kooxda hiddaha iyo dhaqanka, iyo kor u qaadista awoodda shaqaalaha.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
NISA oo dishay madaxii hore ee 'Amniyaadka' Al-Shabaab, kaddib howlgal ka dhacay Jilib
Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Hay’adaha Amniga u Qabatay Tababar ku Saabsan Xasaanadda Diblomaasiga
Soomaaliya iyo Algeria oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Baarlamaannada
Soomaaliya oo u Diyaar-garoobaysa Kalfadhiga 2-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Wadajirka ah ee Uganda
Madaxweyne Xasan Sheekh oo El-Alamein Kula Kulmay Wafdi Ganacsato Soomaaliyeed ah
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Balanballe Kaga Qeyg-galay Munaasabadda Dib-u-heshiisiinta
Guddiga Xuquuqda Aadanaha, UNDP iyo ANNHRI oo Furay Tababar Lagu Kobcinayo Awoodda Hay’adaha
Midowga Afrika oo Beeniyay inuu Masar ku Eedeeyay Xiisadda Itoobiya Kaddib Diidmada Qaahira
Agaasimaha NIRA oo Booqday Xarunta Mideysan ee Bixinta Adeegyada Dadweynaha Qaranka
Wasiirka Beeraha oo Qaabilay Safiirka Algeria, Kana Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal
Shide: Siyaasigii Soomaaliyeed ee ugu horreeyay ee loo doorto Guddoomiyaha Golaha Shacabka Itoobiya
Soomaaliya iyo Talyaaniga oo Xoojinaya Iskaashiga Saadka Dekedaha iyo Xirfadaha Dhallinyarada
MW Xasan Sheekh oo Madasha Ganacsiga Afrika ku Soo Bandhigay Fursadaha Maalgashi ee Soomaaliya
Siddeed badmaax oo Masaari ah oo laga soo badbaadiyay burcad-badeed oo dib ugu laabanaya dalkooda
Masar, Soomaaliya, Suudaan iyo Eritrea oo heshiis ka gaaray dhowrista amniga gobolka
Soomaaliya oo martigelin doonta Shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bariga Afrika ee 2027
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Muqdisho ka Furay Bandhigga Ganacsiga Banaadir
Ciidamada dowladda Itoobiya oo dib ula wareegay garoonka diyaaradaha ee caasimadda Tigray
Xasan Sheekh: Soomaaliya kama soo horjeeddo in Itoobiya ay dekedaheeda u isticmaasho ganacsiga
Madaxweyne Xasan Sheekh: Marnaba ma aqbali doonno in Israa'iil ay saldhig ka sameysato Berbera