| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo Haysa Jidka Kobaca Dhaqaalaha Inkastoo ay Jiraan Caqabado Caalami ah: Wasiir Biixi
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa soo dhaweeyay warbixinta IMF ee dib-u-eegista afaraad, isagoo sheegay in Soomaaliya ay ku socoto jidkii lagu gaari lahaa kobac dhaqaale oo dhan 2.3% sannadka 2026 iyo 2.7% sannadka 2027.
Soomaaliya oo Haysa Jidka Kobaca Dhaqaalaha Inkastoo ay Jiraan Caqabado Caalami ah: Wasiir Biixi
Soomaaliya oo Weli ku Socota Jidkii Kobaca Dhaqaalaha Inkastoo ay Jiraan Caqabado Caalami ah: Wasiirka Maaliyadda

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa soo dhaweeyay warbixinta Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ee ku saabsan natiijada wada-tashiyada dib-u-eegista afaraad, kuwaas oo toddobaadkii hore lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiir Cige ayaa sheegay in horumarka laga sameeyay dib-u-habeynta maaliyadda iyo dadaallada dowladda ee lagu ilaalinayo xasilloonida dhaqaalaha ay muujinayaan in Soomaaliya ay weli ku socoto jidka saxda ah, inkastoo ay jiraan caqabadaha dhaqaale ee gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee dalka soo food saaray.

“Waxaan ku faraxsanahay in dadaalladeenna lagu horumarinayo dib-u-habeynta maaliyadda ay bilaabeen inay miro-dhalaan. Soomaaliya waxay weli ku socotaa jidkii lagu gaari lahaa kobac dhaqaale oo dhan 2.3 boqolkiiba sannadka 2026 iyo 2.7 boqolkiiba sannadka 2027, inkastoo ay jiraan caqabado waaweyn oo caalami ah oo saameynaya dhaqaalaha,” ayuu yiri wasiirku.

Wuxuu mar kale xaqiijiyay sida ay dowladda uga go’an tahay inay mudnaanta siiso xasilloonida dhaqaalaha, iyadoo diiradda la saarayo dardargelinta dakhliga gudaha, ilaalinta mudnaanta kharashaadka, xoojinta maamulka maaliyadda dadweynaha iyo deynta, iyo hagaajinta kormeerka iyo ka-qaybgalka adeegyada maaliyadeed.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay sii waddo hirgelinta dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo maaliyadda ee looga gol leeyahay xoojinta maaliyadda dowladda, taageeridda kobac waara iyo dhisidda awood weyn oo looga hortago cadaadisyada dhaqaale ee caalamiga ah iyo kuwa gudaha.

XIGASHO:SONNA