| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Al-Burhan oo warqad u diray Trump, kuna xaqiijiyay taageerada dadaallada nabadeed ee Mareykanka
Hoggaamiyaha Suudaan, Cabdifataax Al-Burhaan, ayaa sheegay inuu warqad u diray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, uuna ku xaqiijiyay sida ay Suudaan uga go’an tahay taageeridda dadaallada Mareykanka ee lagu soo afjarayo dagaalka ka socda dalkaas.
Al-Burhan oo warqad u diray Trump, kuna xaqiijiyay taageerada dadaallada nabadeed ee Mareykanka
SAWIRKA KAYDKA: Hoggaamiyaha ahna Taliyaha ciidanka Suudaan, Cabdifataax al-Burhaan.

Guddoomiyaha Golaha Ku-meelgaarka ah ee Madaxbannaanida Suudaan, Cabdifataax Al-Burhaan, ayaa Khamiistii sheegay inuu warqad u diray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isagoo ku xaqiijiyay sida ay Suudaan uga go’an tahay dadaallada Washington ee lagu gaarayo nabad ka dhalata dalka ay dagaalladu halakeeyeen.

“Waxaan warqad u diray Madaxweyne Donald Trump, anigoo mar kale xaqiijiyay sida ay Suudaan uga go’an tahay dadaallada nabadeed ee Mareykanka,” ayuu Burhaan ku qoray barta bulshada ee X, oo laga leeyahay Mareykanka.

“Dowladda Suudaan waxay diyaar u tahay inay si daacadnimo leh ula shaqeyso dhammaan dhinacyada, si loo gaaro nabad caddaalad ku dhisan oo waarta, taas oo ilaalinaysa madaxbannaanideenna, midnimadeenna, wadajirka dhulkeenna iyo karaamada shacabkeenna,” ayuu raaciyay.

Hadalka Burhaan ayaa yimid maalmo kaddib markii la-taliyaha sare ee Mareykanka, Massad Boulos, uu cambaareeyay weerar diyaaradeed oo aan duuliye lahayn oo 9-kii Oktoobar ka dhacay magaalada An Nuhud ee gobolka Galbeedka Kordofan, kaas oo lagu dilay ugu yaraan 12 qof oo rayid ah.

Ciidanka Wadajirka ah ee kooxaha hubeysan ee xulafada la ah ciidanka Suudaan ayaa 5-tii Oktoobar ku dhawaaqay in ciidamadooda iyo ciidanka Suudaan ay la wareegeen gacan-ku-haynta deegaanka Bir Saliba ee Galbeedka Daarfuur, kaddib dagaallo ay la galeen Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF).

Suudaan ayaa tan iyo bishii Abriil 2023 waxaa ka socday dagaal u dhexeeya ciidanka dalkaas iyo Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF), kaas oo sababay dhimashada tobannaan kun oo qof iyo barakaca malaayiin kale.

XIGASHO:َAA
Raadi Warar Kale
Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Morocco oo ka Qaybgalay Toddobaadka Amniga Internetka ee Morocco
Shirweynaha Adkeysiga Musiibooyinka Soomaaliya 2026 oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Qaabilay Safiirka Cusub ee Turkiga u Fadhiya Soomaaliya
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaabilay Safiirrada Dalalka Carabta, Kalana Hadlay Xoojinta Iskaashiga
Shirweynaha Saddexaad ee Adkeysiga Musiibooyinka Soomaaliya oo Muqdisho ka Furmay
Wasiirka Deegaanka oo ku Baaqay Xalal ku Saleysan Cilmi-baaris si Loo Xoojiyo Adkeysiga Soomaaliya
Wasiirka Qorsheynta oo Madasha EACON 2026 ku Soo Bandhigay Fursadaha Maalgashi ee Soomaaliya
Masar oo ku baaqday in la joojiyo weerarrada Sacuudiga, lana bilaabo wada-hadallada US iyo Iiraan
Al-Burhan oo amray baaritaan lagu sameeyo duqeyntii xadka Suudaan ee lagu dilay 72 macdan-qode
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Qaabilay Safiirka Algeria U Fadhiya Soomaaliya
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dijitaalka 2026 ee Moscow
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Qaybgalay Munaasabadda Qaran ee Xuska Maalinta Calanka Soomaaliyeed
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Tamarta ee Riyadh
Soomaaliya iyo Mareykanka oo Ka Wada Hadlay Doorka Warbaahinta ee La-dagaallanka Argagixisada
Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Soo Xiray Tababar loo Qabtay Ciidamada Qaybta 21-aad
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baarlamaanka Faray inuu Mudnaan Siiyo Sharciyada Xuquuqda Haweenka
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Warbaahinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
Taliyaha CXDS oo ka Qaybgalay Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca Afrika ee Kampala
Guddiga Koonfur Galbeed oo Dib u Eegay Diyaar-garowga El Niño ee Shabeellaha Hoose
Kenya oo aas loogu sameeyey qofkii ugu horreeyay ee Ebola ugu dhinta dalka