| Somali
CAAFIMAADKA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo guddoomiyay kulammo ka tirsan Shirka 73-aad ee WHO ee Qaahira
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa guddoomiyay kulammo ka tirsan Shirka 73-aad ee Guddiga Gobolka Bariga Mediterranean-ka ee WHO, taas oo muujinaysa doorka Soomaaliya ee go’aan-qaadashada iyo dejinta siyaasadaha caafimaadka ee heer gobol
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo guddoomiyay kulammo ka tirsan Shirka 73-aad ee WHO ee Qaahira
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo guddoomiyay kulammo ka tirsan Shirka 73-aad ee WHO ee Qaahira / SONNA

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan Abuubakar, ayaa guddoomiyay kulammo muhiim ah oo ka tirsan Shirka 73-aad ee Guddiga Gobolka Bariga Mediterranean-ka ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), kaas oo ka socda magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Guddoominta kulammadan ayaa muujinaysa doorka Soomaaliya ee hoggaaminta iyo ka qaybgalka go’aannada la xiriira siyaasadaha caafimaadka ee gobolka, iyadoo dalku sii xoojinayo matalaaddiisa iyo saamaynta uu ku leeyahay shirarka caafimaadka ee heer caalami.

Shirkan oo sannad kasta ay ka qaybgalaan wakiillo ka socda 22 dal oo ka tirsan Gobolka Bariga Mediterranean-ka ee WHO, ayaa diiradda lagu saaraa caqabadaha caafimaad ee ugu waaweyn gobolka, iyadoo lagu dejiyo go’aanno iyo istaraatiijiyado lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka ee malaayiin qof.

Ka qaybgalka iyo guddoominta kulammadan ayaa sidoo kale ka tarjumaya dadaallada Soomaaliya ay ku xoojinayso diblomaasiyadda caafimaadka, iskaashiga caalamiga ah iyo kaalinteeda shirarka caafimaadka ee heer gobol iyo heer caalami.

XIGASHO:SONNA