| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Xasan Sheekh iyo Isaias Afwerki oo isla gartay muhiimadda dhowrista madax-bannaanida Soomaaliya
Hadalladan difaaca madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ayaa si weyn uga dhex-muuqday khudbadaha iyo wada-tashiyada fagaarayaasha diblumaasiyadda ee gobolka Geeska Afrika
Xasan Sheekh iyo Isaias Afwerki oo isla gartay muhiimadda dhowrista madax-bannaanida Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo dhiggiisa Eritrea, Isaias Afwerki / Others

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo dhiggiisa Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa wada-hadallo diblumaasiyadeed oo diiradda saaraya ixtiraamka madax-bannaanida, wadajirka dhuleed, iyo xasilloonida Soomaaliya ku yeeshay magaalada El Alamein ee dalka Masar.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Eritrea ayaa lagu xusay in labada hoggaamiye ay isla garteen baahida loo qabo in Soomaaliya laga gacan-siiyo abuurista jawi siyaasadeed oo ka caaggan faragelin shisheeye, si loo ilaaliyo nabadda iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa uga mahadceliyay xukuumadda iyo shacabka Asmara mowqifkooda adag ee ay ku garab-taagan yihiin qarannimada Soomaaliya.

Madaxweyne Afwerki ayaa kulanka dhexdiisa carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in si dhab ah looga fogaado nidaam siyaasadeed oo bulshada u kala qaybiya hab dhaqaale, diimeed, ama qowmiyadeed.

Waxa uu uga digay in hannaanka noocaas ah uu yahay mid horseedi kara khilaafyo soo-noqnoqda iyo gacan-toglaaleysi shisheeye. Taas beddelkeedana, waxa uu si weyn ugu baaqay in la dhiso hannaan dowladeed oo salka ku haya "Muwaadinnimo" oo qura.

Hadalladan difaaca madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ayaa si weyn uga dhex-muuqday khudbadaha iyo wada-tashiyada fagaarayaasha diblumaasiyadda ee gobolka Geeska Afrika.

Wada-hadalladan laba-geesoodka ah ayaa qabsoomay doceeda shir-madaxeedkii wada-tashiga ee dalalka Masar, Soomaaliya, Eritrea iyo Suudaan, kaas oo 4-tii Oktoobar lagu qabtay magaalada Alamein.

Shirkaas oo ay madaxdu kaga wada-arrinsadeen amniga Badda Cas, Gacanka Cadmeed, Khaliijka Carabta iyo dalalka ku teedsan webiga Niil, ayaa sidoo kale lagu lafa-guray ballaarinta iskaashiga dhaqaale, ganacsi iyo isku-xirnaanta shucuubta afarta waddan.

Intii uu ku sugnaa Masar, Afwerki ayaa sidoo kale kulamo gaar-gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Masar Cabdulfataax El-Sisi oo casuumaaddan u fidiyay iyo Guddoomiyaha Golaha Madaxbannaanida Suudaan, Jeneraal Cabdulfataax Al-Burhaan, iyagoo is-weydaarsaday aragtiyo ku aaddan cilaaqaadka dalalkooda iyo xasaradaha gobolka.

Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa Talaadadii dib ugu laabtay magaalada Asmara, kaddib markii uu soo idlaaday safarkiisan shaqo ee saddexda maalmood qaatay.

XIGASHO:TRT SOMALI