Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa yeeshay kulankiisii afaraad ee kalfadhiga koowaad ee baarlamaanka, si loo dhageysto barnaamijyada doorashada ee musharraxiinta u tartamaya xilalka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka dowlad-goboleedka.
Kulanka waxaa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Xuseen Maxamed Nuur, waxaana wehlinayay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Cabdulqaadir Axmed Cali, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mursal Cabdi Aadan.
Musharraxiinta xilka Madaxweynaha, Cabdulqaadir Cabdullaahi Diiriye iyo Liibaan Axmed Xasan, iyo musharraxiinta xilka Madaxweyne Ku-xigeenka, Cabdisataar Maxamed Geelle iyo Cabdiweli Ibraahim Aadan, ayaa soo bandhigay aragtiyahooda iyo qorshe-hawleedkooda ay ku doonayaan inay ku hagaajiyaan maamulka, kuna horumariyaan deegaanka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka, Xuseen Maxamed Nuur, oo hadal ka jeediyay gabagabada kulanka, ayaa xildhibaannada uga mahadceliyay ka qaybgalka firfircoon ee kulanka, isagoo tilmaamay muhiimadda uu geeddi-socodkani u leeyahay horumarinta arrimaha siyaasadda Galmudug.





















