| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
RW Xamza oo ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka Shirweynaha Culimada Haweenka Soomaaliyeed
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ku boorriyay culimada haweenka Soomaaliyeed inay xoojiyaan kaalintooda wacyigelinta bulshada, ilaalinta qiyamka diinta iyo dib-u-dhiska dalka.
RW Xamza oo ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka Shirweynaha Culimada Haweenka Soomaaliyeed
Ra’iisul Wasaare Xamza oo ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka Shirweynaha Culimada Haweenka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabadda lagu soo xirayay Shirweynaha Dalladda Culimada Haweenka Soomaaliyeed, oo markii labaad la qabtay, laguna gorfeeyay sidii loo xoojin lahaa doorka culimada haweenka ee wacyigelinta iyo horumarinta bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ammaanay dadaallada dalladda, isagoo sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay door muhiim ah ku leeyihiin dhismaha bulshada, kobcinta waxbarashada iyo barbaarinta jiilasha soo koraya.

Waxa uu tilmaamay in burburkii dowladnimada Soomaaliya uu saameyn ku yeeshay dhaqanka, diinta iyo nolosha bulshada, isla markaana uu abuuray duruufo horseeday faafitaanka fikrado xagjirnimo ah oo dhiirrigeliya rabshadaha iyo daadinta dhiigga.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sidoo kale bogaadiyay kaalintii haweenka Soomaaliyeed ay ka qaateen samatabixinta bulshada xilliyadii adkaa ee dalku soo maray, isagoo xusay inay door muuqda ku lahaayeen dib-u-dhiska dowladnimada iyo soo saarista hoggaamiyeyaal wax ku biiriyay horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyn ku dhiirrigeliyay culimada haweenka inay sii xoojiyaan dadaalladooda ku aaddan wacyigelinta bulshada, toosinta dhaqanka iyo ilaalinta qiyamka diinta, isagoo sheegay in Xukuumadda DanQaran ay taageeri doonto kobcinta aqoonta iyo awoodda hoggaamineed ee haweenka culimada ah.

XIGASHO:SONNA