Weerarrada cirka ee ka dhacaya Suudaan ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay sababay kororka khasaaraha dadka rayidka ah, iyadoo boqollaal qof la sheegay in lagu dilay duqeymo inta badan loo maleynayo in loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hubeysan, sida uu Khamiistii sheegay Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC).
ICRC ayaa sheegtay in weerarradu ay si gaar ah u saameeyeen xaafadaha la deggan yahay, suuqyada iyo goobaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah, taas oo dhalisay walaac xooggan oo ku saabsan ilaalinta dadka rayidka ah.
“Adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn waxba kama beddelayo xeerarka dagaalka. Tiknoolajiyaddu kama dhaafayso dadka adeegsanaya waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada,” ayuu Lorenzo Caraffi, oo ah Madaxa Wafdiga ICRC ee Suudaan, ku sheegay war-saxaafadeed.
Hay’adda ayaa carrabka ku adkeysay in sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada uu dhinacyada fulinaya hawlgallada milatari ku waajibinayo inay kala saaraan dadka rayidka ah iyo bartilmaameedyada milatari.
Waxay sidoo kale xustay in ay mamnuuc yihiin weerarrada aan kala soocin bartilmaameedyada ama sababa khasaare xad-dhaaf ah oo soo gaara dadka rayidka ah, isla markaana ay waajib tahay in la qaado dhammaan tallaabooyinka suurtagalka ah ee lagu ilaalinayo rayidka.
ICRC ayaa sheegtay in isbitaallada ay taageerto ay daweeyeen in ka badan 2,700 oo bukaan oo qaba dhaawacyo ka dhashay hubka, intii lagu jiray lixdii bilood ee ugu horreysay sannadka 2026.
Hay’adda ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay tixgeliyaan cawaaqibka suurtagalka ah ee dadka rayidka ah ka soo gaari kara adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hubeysan, gaar ahaan goobaha ay dadku ku badan yihiin.





















