| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Wafdi Soomaaliyeed oo Rabat Kula Kulmay Saddex Wasaaradood iyo Toban Hay’adood oo Marookaan ah
Wafdi ka socday Dowladda Soomaaliya ayaa dalka Marooko kula kulmay saddex wasaaradood iyo toban hay’adood, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada tamarta, maalgashiga, dekedaha, beeraha, kalluumeysiga, ganacsiga, macdanta iyo dalxiiska.
Wafdi Soomaaliyeed oo Rabat Kula Kulmay Saddex Wasaaradood iyo Toban Hay’adood oo Marookaan ah
Wafdi Soomaaliyeed oo Rabat Kula Kulmay Saddex Wasaaradood iyo Toban Hay’adood oo Marookaan ah si loo Xoojiyo Iskaashiga Dhaqaalaha

Wafdi ka socday Dowladda Soomaaliya ayaa ka qaybgalay shirkii iskaashiga dhaqaalaha Soomaaliya iyo Marooko ee 19-kii Oktoobar ka furmay magaalada Rabat, halkaas oo ay kula kulmeen saddex wasaaradood iyo toban hay’adood oo Marookaan ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdullaahi Xayir Ducaale, ayaa SONNA u sheegay in shirku diiradda lagu saaray tababarrada, isdhaafsiga khibradaha, maalgashiga iyo kobcinta dhaqaalaha labada dal.

Agaasimaha ayaa sidoo kale u mahadceliyay Hay’adda Marooko ee Iskaashiga Caalamiga ah (AMCI), oo casuuntay wafdiga, fududeysay barnaamijka, isla markaana taageertay muddadii booqashada.

Wafdiga ayaa kulammo la yeeshay hay’adaha Marooko ee korontada, maalgashiga, beeraha, ganacsiga, bangiyada iyo macdanta, iyagoo sidoo kale booqday dekedda caalamiga ah ee Tangier iyo dekedo kale.

Wadahadallada ayaa lagu falanqeeyay sidii Soomaaliya uga faa’iideysan lahayd khibradda Marooko ee tamarta qorraxda iyo dabaysha, maamulka dekedaha, warshadeynta iyo kalluumeysiga.

Wasaaradda Dalxiiska ee Marooko ayaa sidoo kale lagala hadlay horumarinta dalxiiska Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay ku heshiiyeen tababarrada iyo isdhaafsiga khibradaha. Waxaa la filayaa in Marooko ay dhawaan tababarro dalxiis u furto shaqaalaha Soomaaliyeed ee ka kala socda wasaaradda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Agaasime Ducaale ayaa sheegay in wafdigu soo bandhigay fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin tamarta la cusboonaysiin karo, dekedaha, xoolaha nool, kalluumeysiga, warshadaha, macdanta iyo xeebaha dalka oo ah kuwa ugu dhaadheer Afrika. Wuxuu xusay in Soomaaliya leedahay 33 milyan oo hektar oo dhul ah, kuwaas oo 10 milyan oo hektar laga samayn karo beero, loona furi karo maalgashi.

Agaasime Ducaale ayaa shirka ku tilmaamay mid guuleystay oo miro-dhal ahaa, isagoo sheegay in kulammo kale iyo hawlo dabagal ah la qaban doono. Wuxuu rajeynayaa in heshiisyada iyo wadahadallada hay’adaha labada dal ay faa’iido u yeelan doonaan shacabka iyo dowladaha Soomaaliya iyo Marooko, gaar ahaan horumarinta dalxiiska Soomaaliya si loo gaarsiiyo heerarka caalamiga ah.

XIGASHO:SONNA