Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Talaadadii si rasmi ah xarigga uga jaray Machadka Cilmi-baarista Beeraha, isagoo tilmaamay doorka uu machadku ka qaadan doono horumarinta cilmi-baarista beeraha, kordhinta wax-soo-saarka, horumarinta abuurka tayada leh iyo taageeridda beeraleyda Soomaaliyeed.
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Maxamed Cabdi Xayir, ayaa sheegay in machadkani uu door muhiim ah ka qaadan doono kor u qaadista wax-soo-saarka beeraha iyo taageeridda beeraleyda ku nool guud ahaan Soomaaliya.
Munaasabadda xarig-jarka ayaa waxaa ka qaybgalay ganacsatada ka shaqeysa beeraha, dhallinyarada xirfadlayaasha ah ee dhinaca beeraha, haweenka beeraleyda ah, jaamacadaha, iskaashatooyinka beeraleyda iyo Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha beeraha iyo xoolaha ee dowlad-goboleedyada Soomaaliya.
Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qaybgalay Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya, wakiillo ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha (FAO) iyo Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP), kuwaas oo taageera dadaallada horumarinta beeraha iyo sugnaanta cuntada ee Soomaaliya.























