| Somali
SIYAASADDA
1 daqiiqo akhris
Safiirrada Soomaaliya iyo Japan oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Japan u fadhiya Kenya, isla markaana Soomaaliya u qaabilsan, Matsuura Hiroshi, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.
Safiirrada Soomaaliya iyo Japan oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal
Safiirrada Soomaaliya iyo Japan oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal / SONNA

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa booqasho salaan ah ku qaabilay Safiirka Japan u fadhiya Kenya, isla markaana Soomaaliya u qaabilsan, Matsuura Hiroshi.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dal, arrimaha ay wadaagaan danaha iyo fursadaha lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Japan. Labada safiir ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xiriir diblomaasiyadeed oo joogto ah, si loo xoojiyo isfahamka labada dhinac, loona horumariyo danaha ay wadaagaan.

Safiir Matsuura waxaa kulanka ku wehliyay Taliye Nishioka Terumichi, u qaybsanaha arrimaha difaaca, iyo Hirahara Yoko, Xoghayaha Labaad ee Qaybta Arrimaha Siyaasadda iyo Arrimaha Guud ee Safaaradda Japan. Dhanka Soomaaliya, Safiirka waxaa wehliyay Cali Khadar, La-taliyaha Koowaad, iyo Cabdullaahi Siyaad, Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Soomaaliya.

XIGASHO:SONNA