Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa booqday Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Baku, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen Safiirka Soomaaliya u fadhiya Azerbaijan, Cabdinuur Daahir Fidoow, iyo diblomaasiyiinta safaaradda.
Wasiirka ayaa kormeeray xafiisyada iyo qaybaha shaqada ee safaaradda, oo ay ku jirto qayb lagu soo bandhigay sawirro iyo muuqaallo muujinaya taariikhda, dhaqanka, dhaxalka iyo aqoonsiga qaran ee Soomaaliya.
Safiir Fidoow ayaa Wasiirka warbixin ka siiyay hawlaha diblomaasiyadeed ee safaaradda iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Azerbaijan.
Wasiir Cabdifataax ayaa bogaadiyay dadaallada Safiirka ee ku aaddan matalaadda Soomaaliya, ilaalinta danaha dalka iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.
Wasiirka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal, horumarinta isfahamka shucuubtooda iyo kor u qaadista sumcadda iyo danaha qaranka Soomaaliya.
Safiir Cabdinuur Daahir Fidoow ayaa ah Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya si rasmi ah u deggan dalka Azerbaijan, wuxuuna ka qayb qaatay xoojinta iskaashiga labada dal, oo ay ku jiraan dadaallada lagu xaqiijinayo fursado waxbarasho oo ardayda Soomaaliyeed ay ka helaan jaamacadaha Azerbaijan.























