| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kula Kulmay Wakiillo ka Socda Bulshada Rayidka ah
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Baarlamaanka iyo bulshada rayidka ah, iyo sidii loo xaqiijin lahaa in aragtida muwaadiniintu ay qayb ka noqoto hannaanka sharci-dejinta iyo kormeerka Baarlamaanka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kula Kulmay Wakiillo ka Socda Bulshada Rayidka ah
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kula Kulmay Wakiillo ka Socda Bulshada Rayidka ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay wakiillo ka socday bulshada rayidka ah, iyagoo ka wada hadlay xaaladda dalka, howlaha Baarlamaanka, adeegyada bulshada, midnimada qaranka iyo difaaca dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Baarlamaanka iyo bulshada rayidka ah, iyo sidii loo xaqiijin lahaa in aragtida muwaadiniintu ay qayb ka noqoto hannaanka sharci-dejinta iyo kormeerka Baarlamaanka.

Guddoomiye Cabdulqaadir ayaa faahfaahin ka bixiyay barnaamijka Gole Kaab, oo loogu talagalay isku xirka shacabka iyo Golaha Shacabka, si muwaadiniintu ay u soo gudbiyaan tabashooyinkooda, uguna biiriyaan fikradahooda howlaha Baarlamaanka.

Guddoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada rayidka ahi ay door xog-ogaalnimo ku dhisan oo wax ku ool ah ka qaadato hannaanka sharci-dejinta, iyadoo dib-u-eegis ku sameynaysa hindise-sharciyeedyada, qiimeynaysa saameynta ay yeelan karaan, la tashanaysa bulshooyinka ay khuseeyaan, isla markaana soo gudbinaysa talooyin ku saleysan caddeymo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in barnaamijka Gole Kaab iyo casriyeynta dijitaalka ah ee ka socota Golaha Shacabka ay abuurayaan fursado ballaaran oo dadweynuhu kaga qaybqaadan karaan howlaha Baarlamaanka, isla markaana ay xoojinayaan isla-xisaabtanka Baarlamaanka ee ku aaddan shacabka Soomaaliyeed.

XIGASHO:SONNA