| Somali
TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Turkiga iyo Canada oo hiigsanaya ganacsi gaaraya $10B, iyadoo Erdogan uu ku dhawaaqay ‘waa cusub'
Ankara iyo Ottawa ayaa doonaya inay mugga ganacsiga labada dal oo hadda ku dhow $3 bilyan marka hore gaarsiiyaan $5 bilyan, ugu dambeyntiina $10 bilyan.
Turkiga iyo Canada oo hiigsanaya ganacsi gaaraya $10B, iyadoo Erdogan uu ku dhawaaqay ‘waa cusub'
Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa soo dhaweyn rasmi ah u sameeyey Ra'iisul Wasaaraha Canada Carney. / َAA

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Turkiga iyo Canada ay qorsheynayaan inay bilaabaan wada-hadallo ku saabsan heshiis ganacsi xor ah, iyo sidoo kale mashaariic cusub oo dhinacyada tamarta, ganacsiga, gaadiidka iyo warshadaha difaaca ah, si loo xoojiyo xiriirka labada dal.

“Waxaan rajeyneynaa inaan mugga ganacsigeenna oo hadda ku dhow $3 bilyan gaarsiinno marka hore $5 bilyan, kaddibna $10 bilyan, annagoo adeegsanayna tallaabooyinka aan qaadi doonno,” ayuu Erdogan ka sheegay shir jaraa’id oo wadajir ah oo uu Khamiistii magaalada Ankara kula qabtay Ra’iisul Wasaaraha Canada Mark Carney.

Erdogan ayaa sheegay in labada dhinac ay ku heshiiyeen inay ka hor dhammaadka sannadkan bilaabaan wada-xaajoodyada heshiiska ganacsiga xorta ah, si kor loogu qaado ganacsiga iyo maalgashiga.

Wuxuu sheegay in xiriirka Turkiga iyo Canada oo la gaarsiiyo heer iskaashi istiraatiiji ah uusan noqon doonin oo keliya tallaabo astaan ah oo waraaqaha ku qoran.

Waa cusub

“Maanta waxaan ka gudubnay xiriir la’aantii muddada sannadaha badan ah ka dhex jirtay Turkiga iyo Canada. Hadda waxaan bilaabaynaa waa cusub oo u dhexeeya Turkiga iyo Canada,” ayuu yiri.

“Booqashadayda ugu horreysa ee Canada, waxaan isu keeni doonnaa ganacsatadeenna, waxaana qaadi doonnaa tallaabooyin horumar leh,” ayuu Erdogan sheegay.

Wuxuu sidoo kale soo dhoweeyay cunaqabateynta Canada ay ku soo rogtay deegaameynta sharci-darrada ah ee Israa’iil, isagoo sheegay in Ankara ay tallaabooyinkaas u aragto kuwo ku habboon ka hortagga xadgudubyada ay Tel Aviv geysaneyso.

Dhanka colaadaha caalamiga ah, Erdogan ayaa sheegay in Turkigu rajeynayo in dadaallada diblomaasiyadeed ay horseedi doonaan nabad waarta oo laga gaaro Ukraine iyo gobolka Khaliijka labadaba.

XIGASHO:َAA
Raadi Warar Kale
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Fidan oo gaaray Baku si uu uga qaybgalo shirweynaha amniga Aasiya
Spain oo qorsheyneysa inay Turkiga ka iibsato 15 diyaaradood oo dheeraad ah oo nooca Hurjet ah
Erdogan oo cambaareeyay weerarradii Xuutiyiinta ee garoonka Riyadh, taageerana u muujiyay Sacuudiga
Turkiga oo si kulul u cambaareeyay weerarkii dhimashada sababay ee Xuutiyiintu ku qaadeen Riyadh
Erdogan iyo Putin oo ka wada hadlay ammaanka Badda Madow iyo xiriirka Ruushka iyo Ukraine
Ra’iisul Wasaaraha Canada Mark Carney oo booqashadiisii ugu horreysay ku tagaya Turkiga
Safiirka Turkiga oo booqday Warsheekh, halkaas oo laga dhisayo xarunta hawada sare
Turkiga, Sacuudiga iyo Bakistaan oo dar-dargelinaya awooddooda difaaca wadajirka ah
Turkiga oo Soomaaliya ka bilaabay dhismaha xarun hawada sare laga diro gantaallada
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo ka qaybgalaya shirka saddex-geesoodka Isbahaysiga Difaaca Maka
Turkiga iyo Faransiiska oo kala saxiixday qorshe cusub oo lagu ballaarinayo iskaashiga difaaca
Turkiga iyo Georgia oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinaca waxbarashada ah
Trump oo muujiyay inuu taageersan yahay in Turkiga laga qaado cunaqabateynta CAATSA
Soomaaliya: Safiirka cusub ee Turkiga oo waraaqaha aqoonsiga u gudbiyey Madaxweyne Xasan Sheekh
Erdogan oo bogaadiyay midnimada Turkiga iyo Falastiin kadib ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday Konya
Emine Erdogan oo hormuud u ah baaq caalami ah oo carruurta looga ilaalinayo khataraha internetka
Turkigu wuu sii wadi doonaa u doodidda iyo taageerada Falastiiniyiinta: Erdogan
Turkiga oo sii wada dadaallada lagu dhisayo ‘nidaam caalami ah oo caddaalad ah’: Wasiir Fidan
Erdogan oo sheegay in heshiiska difaaca ee Maka uusan ku wajahneyn Iiraan ama Israa’iil
Fidan oo Guddoomiyay Kulanka Isku-duwidda Wasiirrada Arrimaha Dibadda OIC ee New York