| Somali
TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Erdogan iyo Trump oo ka wada hadlay xiisadaha gobolka, dagaalka Yukreyn iyo xiriirka labada dal
Madaxweynaha Turkiga ayaa dhiggiisa Maraykanka u xaqiijiyay in isbahaysiga 'Difaaca Maka' uu diiradda saarayo xallinta xiisadaha Badda Cas iyo Marinka Hormuz, isagoo dhanka kalena yaboohay dhex-dhexaadinta Ruushka iyo Yukreyn
Erdogan iyo Trump oo ka wada hadlay xiisadaha gobolka, dagaalka Yukreyn iyo xiriirka labada dal
Madaxweyne Erdogan oo dhiggiisa Mareykanka Donald Trump ku soo dhoweynaya Qasriga Madaxtooyada Turkiga ee Ankara, 7-dii Luulyo 2026. / َAA

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, iyo dhiggiisa Maraykanka, Donald Trump, ayaa wada-hadal dhanka taleefanka ah ku yeeshay Arbacadii, kaas oo ay kaga wada-arrinsadeen xaaladaha cakiran ee gobolka,arrimaha caalamka iyo dar-dargelinta iskaashiga labada waddan.

Sida lagu xusay bayaan kasoo baxay Madaxtooyada Turkiga, Madaxweyne Erdogan ayaa hoosta ka xariiqay in xukuumaddiisu ay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo xiriirka kala dhexeeya Washington, xilli labada dal ay isku diyaarinayaan xuska sannad-guurada 100-aad ee xiriirkooda diblumaasiyadeed oo ku beegan sannadka 2027-ka.

Xiisadaha Marinka Hormuz iyo Yemen 

Intii uu socday wada-xaajoodka, Erdogan ayaa dul-istaagay xaaladaha ammaan-darro ee ka taagan Marinka Hormuz iyo dalka Yemen. 

Waxa uu xaqiijiyay in Turkiga iyo xulafadiisa ku midaysan 'Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka' ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqyadaas, isla markaana ay si firfircoon uga shaqeynayaan sidii xiisadahaas lagu xallin lahaa waddo diblumaasiyadeed, si looga hortago in colaadaha gobolku ay faraha ka baxaan.

Dhex-dhexaadinta Ruushka iyo Yukreyn 

Mar ay ka wada-hadleen dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Yukreyn, Erdogan ayaa u sheegay Trump in xukuumadda Ankara ay gabi ahaanba diyaar u tahay inay taageerto dib-u-soo-nooleynta wada-hadallada nabadda, si xal heshiis ah looga gaaro gacan-ka-hadalka labada waddan. 

Madaxtooyada Turkiga ayaa mar kale xaqiijisay mowqifkeeda adag ee ah in colaaddan lagu soo afjaro miiska wada-hadalka.

Hambalyada Trump iyo Shirka Dowladaha Turkiga 

Dhankiisa, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa fursaddan uga faa'iideystay inuu Madaxweyne Erdogan iyo guud ahaan shacabka Turkiga ugu hambalyeeyo xuska Maalinta Jamhuuriyadda dalkaas. 

Sidoo kale, waxa uu u rajeeyay in shir-madaxeedka Ururka Dowladaha Turkiga uu ku soo idlaado guul iyo is-afgarad.