Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socday Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, iyagoo ka wada hadlay xaaladda ganacsiga dalka, caqabadaha dhinaca sharci-dejinta iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya Baarlamaanka iyo ganacsatada.
Kulanka ayaa looga hadlay fursadaha ganacsi ee ka dhashay xubinnimada Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika (EAC), iyo sidii ganacsatadu uga qaybqaadan lahaayeen dejinta sharciyada saameeya ganacsiga, maalgashiga iyo wax-soo-saarka gudaha.
Doodaha ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray fududeynta isu-socodka dadka, ganacsatada iyo badeecadaha, iyo ballaarinta fursadaha ay ganacsatada Soomaaliyeed ku gaari karaan suuqyada gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
Guddoomiye Cabdulqaadir ayaa bogaadiyay kaalinta ganacsatada Soomaaliyeed ay ka qaataan kobaca dhaqaalaha, shaqo-abuurka, maalgashiga iyo horumarka dalka.
Guddoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dejinta sharciyo casri ah oo taageera ganacsiga, isla markaana abuura jawi ku habboon maalgashiga Soomaaliya.




























