Madashii afaraad ee Qaran ee Amniga Internetka ayaa Talaadadii ka furantay magaalada Muqdisho, waxaana si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) iyo Jaamacadda Muqdisho.
Madashan oo soconaysa laba maalmood ayaa isu keentay mas’uuliyiin dowladeed, shirkadaha isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda, shirkadaha bixiya adeegyada internetka, bangiyada, jaamacadaha, ururrada bulshada rayidka ah, cilmi-baarayaal iyo khubaro ku takhasustay amniga internetka.
Madasha oo halku-dhiggeedu yahay “Dhisidda Kalsoonida iyo Adkeysiga Amniga Internetka iyadoo Amniga Lagu Saleeyo Naqshadeynta Nidaamyada” ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta awoodda qaranka ee amniga internetka, sugidda amniga nidaamyada dijitaalka ah iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah.
Madaxweynaha Jaamacadda Muqdisho, Dr. Ibraahim Maxamed Mursal, oo ka hadlay furitaanka madasha, ayaa tilmaamay doorka jaamacaduhu ku leeyihiin soo saarista xirfadlayaasha amniga internetka iyo horumarinta cilmi-baarista, isagoo xusay takhasuska cusub ee Amniga Internetka iyo Sirdoonka Macmalka ah oo ay jaamacaddu dhawaan soo kordhisay.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafe Yaasiin Sheekh, ayaa soo bandhigay guulihii ugu dambeeyay ee hay’addu ka gaartay amniga internetka, oo ay ka mid yihiin daahfurka Kooxda Soomaaliya ee Ka Jawaabista Dhacdooyinka Amniga Kombiyuutarrada (SOMCIRT), tababarrada shaqaalaha dowladda, barnaamijyada wacyigelinta bulshada iyo diyaarinta habraacyada u hoggaansanaanta shuruudaha amniga internetka iyo maareynta khataraha.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Maxamed Aadan Macallin, ayaa si rasmi ah u furay madasha, isagoo bogaadiyay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Jaamacadda Muqdisho oo sannadkii afaraad oo xiriir ah soo qabanqaabiyay munaasabaddan.
Wasiirka ayaa tilmaamay daahfurkii SOMCIRT ee bishii Maarso 2026 iyo qorshaha lagu dhisayo Akadeemiyadda Qaranka ee Amniga Internetka dabayaaqada sannadkan, isagoo ka qaybgalayaasha ku boorriyay inay isdhaafsadaan khibradaha, isla markaana soo saaraan talooyin wax ku ool ah oo lagu xoojinayo amniga internetka ee qaranka iyo wacyigelinta bulshada.
Madasha ayaa lagu soo bandhigi doonaa cilmi-baarisyo, waxaana lagu qaban doonaa doodo ku saabsan siyaasadaha amniga internetka, ilaalinta kaabeyaasha dijitaalka ah, khataraha soo kordhaya iyo ka jawaabista dhacdooyinka amniga internetka ee heer qaran, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo hababka amniga lagu saleeyo naqshadeynta nidaamyada.























