| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Khudbad ka Jeediyay Madasha 7-aad ee Caalamiga ah ee Dhaqammada
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee Caalamiga ah ee Wadahadalka Dhaqammada, isagoo diiradda saaray ilaalinta dhaxalka dhaqanka, nabadda iyo adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Khudbad ka Jeediyay Madasha 7-aad ee Caalamiga ah ee Dhaqammada
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Khudbad ka Jeediyay Madasha 7-aad ee Caalamiga ah ee Wadahadalka Dhaqammada

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee Caalamiga ah ee Wadahadalka Dhaqammada ee Isbahaysiga Ilbaxnimooyinka Qaramada Midoobay, taas oo uu Talaadadii si rasmi ah u furay Madaxweynaha Azerbaijan, Ilham Aliyev.

Madashan oo halku-dhiggeedu yahay “Wadahadalka Mustaqbalka Wadajirka ah: Dhisidda Buundooyin Isku Xira Dunida Kala Qaybsan” ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta wadahadalka dhaqammada kala duwan, nabadda, isfahamka iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Cabdifataax ayaa khudbaddiisa ku tilmaamay muhiimadda ay leedahay ilaalinta iyo horumarinta dhaxalka dhaqanka, xoojinta wada noolaanshaha nabadeed iyo adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah iyo sirdoonka macmalka ah si loo kobciyo isfahamka dhaqammada kala duwan.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo ilaalinta afka, suugaanta, fanka iyo taariikhda Soomaaliya, iyadoo tiknoolajiyadda loo adeegsanayo diiwaangelinta, ilaalinta iyo gudbinta dhaxalka dhaqanka Soomaaliyeed si ay u gaaraan jiilasha soo socda.

Wuxuu sidoo kale ku baaqay iskaashi caalami ah oo lagu horumarinayo adeegsiga luqadaha kala duwan ee tiknoolajiyadda, kor loogu qaadayo xirfadaha dhallinyarada, laguna xaqiijinayo in horumarka dijitaalka ahi ixtiraamo aqoonsiyada dhaqameed, xuquuqda iyo qiyamka bulshooyinka.

Wasiirka ayaa intaas ku daray baaq ku aaddan in tiknoolajiyadda loo adeegsado isku xirka dhaqammada, ballaarinta fursadaha isfahamka iyo xoojinta nabadda. Wuxuu sidoo kale ku baaqay in talooyinka iyo ballanqaadyada madasha loo beddelo barnaamijyo wadajir ah oo natiijooyinkooda la cabbiri karo, kuwaas oo taageeraya ilaalinta dhaxalka dhaqanka, horumarinta luqadaha, awood-siinta dhallinyarada iyo ka qaybgalka loo siman yahay.

Madasha waxaa sidoo kale ka qaybgalay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Azerbaijan, Cabdinuur Daahir Fiidow.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekedaha oo Furay Kulan Wadatashi ah oo ku Saabsan Siyaasadda Dekedaha
Wafdi Soomaaliyeed oo Rabat Kula Kulmay Saddex Wasaaradood iyo Toban Hay’adood oo Marookaan ah
Weerarro ay Drones-ka RSF ku qaadeen xarumaha korontada oo sababay koronto la’aan ka dhacday Suudaan
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kalfadhigii 10-aad ee Guddiga Tirakoobka Afrika
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Baku
Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo Kulan Wadajir ah ka Yeeshay Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2025
Wafdi ka Socda Hay’adda Hawada Sare ee Turkiga oo Booqasho ku Tagey Soomaaliya
Madaxda Soomaaliya oo Hambalyo u Diray Hoggaanka Cusub ee Hirshabeelle
Ciidamada Suudaan oo RSF kala wareegay saldhig militari oo istiraatiiji ah
Laanqeyrta Cas oo ka Digtay Khasaaraha Rayidka ee Sii Kordhaya ee ka Dhasha Weerarrada Cirka Suudaan
Soomaaliya iyo Uganda oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo iskaashiga shaqada iyo shaqaalaha
RW Xamza oo ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka Shirweynaha Culimada Haweenka Soomaaliyeed
Madaxda Qaranka oo Liibaan Axmed Xasan ugu Hambalyeeyay Doorashadiisa Madaxweynaha Galmudug
Dowlado iyo hay’ado caalami ah oo Geneva ku yeeshay kulan lagu xoojinayo dadaallada nabadda Suudaan
Soomaaliya oo Cambaaraysay Khariidad uu Soo Bandhigay Netanyahu, kuna Tilmaantay Xadgudub
Baarlamaanka Galmudug oo Dhageystay Barnaamijyada Siyaasadeed ee Musharraxiinta Madaxweynaha
Soomaaliya iyo Morocco oo ku Heshiiyay Xoojinta Iskaashiga Tamarta, Macdanta, Beeraha iyo Dalxiiska
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Muqdisho Kula Kulmay Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka
Soomaaliya oo Daahfurtay Shirka Dib-u-eegista Sannadlaha ah ee Waaxda Caafimaadka: Muqdisho
Safiirka Soomaaliya oo Warqadihiisa Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Dalka Chad