| Somali
CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Dalalka Afrika oo ku heshiiyay inay xuduudahooda furnaadaan inkastoo uu dillaacay cudurka Ebola
Wasiirrada caafimaadka dalalka Afrika ayaa isku raacay in xuduudaha dalalkoodu furnaadaan, inkastoo uu si degdeg ah ugu faafayo gobolka cudurka Ebola, iyadoo la xoojinayo iskaashiga iyo isku-dubbaridka dadaallada lagula tacaalayo cudurka.
Dalalka Afrika oo ku heshiiyay inay xuduudahooda furnaadaan inkastoo uu dillaacay cudurka Ebola
Dalalka Afrika oo ku heshiiyay inay xuduudahooda furnaadaan inkastoo uu dillaacay cudurka Ebola

Wasiirrada caafimaadka dalalka Afrika ayaa isku raacay in xuduudaha dalalkoodu furnaadaan, inkastoo uu si degdeg ah ugu sii faafayo gobolka cudurka Ebola, sida uu Khamiistii sheegay madaxa Xarunta Afrika ee Xakamaynta iyo Ka Hortagga Cudurrada (Africa CDC).

Go’aankan ayaa la shaaciyay kaddib kulan heer sare ah oo dhanka internetka lagu qabtay, kaas oo ay soo qabanqaabisay Africa CDC, si loo qiimeeyo xaaladda cudurka Ebola, loogana wadahadlo siyaabaha lagu xoojin karo isku-dubbaridka dadaallada caafimaadka ee dalalka xuduudaha wadaaga.

In ka badan 40 wasiir oo ka socda dalalka Afrika ayaa ka qaybgaleen kulanka degdegga ah, kaas oo la qabtay xilli cudurka Ebola ee uu sababo nooca Bundibugyo uu si dhaqso ah ugu faafayo deegaanno cusub.

Ilaa hadda, afar dal ayaa uu saameeyay cudurkan dillaacay, kuwaas oo kala ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Uganda, Kenya iyo Nigeria.

Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in dhammaan dalalka loo diyaariyo ka hortagga cudurka, isla markaana si wadajir ah looga shaqeeyo xuduudaha si looga hortago faafitaan dheeraad ah oo fayraska ah, kaas oo tan iyo bishii May dilay ku dhowaad 5,000 oo qof, badankoodna ku sugnaa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Sida ay sheegtay Africa CDC, tirada kiisaska la xaqiijiyay ayaa kor u dhaaftay 10,170, halka heerka dhimashada dadka uu cudurku ku dhacay uu gaaray 48.5%.

“Waxaan hor istaagay in ka badan 40 wasiir oo caafimaad oo Afrikaan ah, waxaana u sheegay waxa ay xogtu muujinayso: ilaa hadda kuma guuleysanayno dagaalka aan kula jirno cudurka,” ayuu yiri Kaseya. “Waxaan si wadajir ah ugu heshiinnay inaan diyaarinno dal kasta, isku dubbaridno dadaallada xuduudaha, isla markaana xuduudaha furnaadaan iyadoo si dhow loola soconayo. Saaxiibbadeennuna waxay taageerayaan qorshaha Afrika.”

Kaseya ayaa wasiirrada u sheegay in cudurku shantii bilood ee la soo dhaafay uu ka gudbay xaalad caafimaad oo hal dal ku koobnayd, una gudbay caqabad tijaabinaysa amniga caafimaadka ee qaaradda oo dhan.

Wuxuu sheegay in inkastoo mudnaanta koowaad ay tahay joojinta Ebola ee qaaradda, haddana amni-darrada, xaaladaha bani’aadannimo ee murugsan iyo dhaqaale-yarida ay weli yihiin caqabadaha ugu waaweyn.

Wasiirka Caafimaadka Uganda, Chris Baryomunsi, ayaa sheegay in waayo-aragnimada dalkiisu ay muujinayso in dalalku ay joojin karaan gudbinta cudurka haddii ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo go’aan adag ku dhisan.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa bishii Agoosto ku dhawaaqday in Uganda ay ka xorowday cudurka Ebola.

Uganda ayaa diiwaangelisay 20 kiis oo la xaqiijiyay, kaddib markii bishii May lagu dhawaaqay inuu cudurku ka dillaacay dalkaas.

Africa CDC ayaa ka digtay in 10 dal oo kale oo Afrikaan ah ay halis ugu jiraan inuu cudurku saameeyo, kaddib markii uu ka dillaacay Congo. Dalalkaas ayaa kala ah Rwanda, Kenya, Tanzania, Angola, Burundi, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Jamhuuriyadda Congo, Itoobiya, Koonfurta Suudaan iyo Zambia.

XIGASHO:َAA