| Somali
SIYAASADDA
3 daqiiqo akhris
Madaxweynaha Israa’iil oo xisbiyada ugu baaqay inay is-tanaasul sameeyaan
Natiijooyinka hordhaca ah ayaa muujinaya in isbahaysiga Netanyahu iyo mucaaradku aysan midkoodna helin kuraastii looga baahnaa aqlabiyadda Baarlamaanka (61 kursi), taas oo dalkaas gelineysa jahawareer siyaasadeed
Madaxweynaha Israa’iil oo xisbiyada ugu baaqay inay is-tanaasul sameeyaan
Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog / Reuters

Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa xisbiyada siyaasadda ee dalkaas ugu baaqay inay dadaal kasta ku bixiyaan sidii loo soo dhisi lahaa xukuumad cusub oo wadaag ah, isagoo uga digay in dalku uu galo xasarad horseedda doorashooyin kale.

Baaqan ayaa imanaya kaddib markii natiijooyinka hordhaca ah ee doorashadii dhacday ay muujiyeen in labada isbahaysi ee ugu waaweyn dalkaas aysan midkoodna helin aqlabiyadda Baarlamaanka ee lagu dhisi karo xukuumad.

“Waa in wax kasta oo suurtagal ah la sameeyo, gaar ahaan wixii shalay dhacay kaddib, si looga fogaado in mar kale doorasho la qabto,” ayuu Madaxweyne Herzog Arbacadii u sheegay warbaahinta, sida ay baahisay Idaacadda Dowladda Israa’iil ee KAN.

Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay inuu toddobaadka soo socda wada-tashiyo toos ah la billaabi doono xisbiyada ku soo baxay Baarlamaanka, marka uu Guddiga Dhexe ee Doorashooyinka kala wareego natiijada rasmiga ah iyo diiwaanka xildhibaannada.

“Waxaan filayaa in qof kasta oo halkan (Madaxtooyada) yimaada uu la yimaado maskax furan iyo tanaasul,” ayuu yiri Herzog, isagoo raaciyay inuu si siman u dhageysan doono aragtida xisbi kasta kahor inta uusan go’aamin xildhibaanka uu u igmanayo soo dhisidda xukuumadda cusub.

Sida ay baahisay shabakadda telefishinka Israa’iil ee Channel 12,xogaha la ururiyay kaddib tirinta codadkii caadiga ahaa ee Arbacadii ayaa muujinaya in garabka midig ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu ku horreeyo 53 kursi oo ka mid ah 120-ka kursi ee Baarlamaanka (Knesset).

Dhanka kale, isbahaysiga mucaaradka ee uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot ayaa la saadaaliyay inuu helayo 48 kursi, halka xisbiyada u badan Carabta la filayo inay helaan 19 kursi. 

Natiijadan hordhaca ah ayaa ka dhigan in Netanyahu iyo Eisenkot aysan midkoodna gaarin 61-ka kursi ee aqlabiyadda looga baahan yahay, taas oo la micno ah in xisbiyada Carabtu ay noqon karaan miisaanka go'aaminaya ciddii xukuumad dhisan lahayd, inkastoo ay adag tahay inay isbahaysi la galaan garabka Netanyahu.

Ilaa hadda waxaa harsan in la tiriyo in ka badan 500,000 oo ah 'codadka gaarka ah' (sida kuwa ciidamada,diblumaasiyiinta iyo maxaabiista), kuwaas oo wax uun ka beddeli kara shaxda kuraasta.

Sidee loo soo dhisayaa xukuumadda cusub? 

Sida uu dhigayo sharciga aasaasiga ah ee Israa’iil, Madaxweynuhu waxa uu haystaa toddoba maalmood oo ka billaabanaysa maalinta natiijada rasmiga ah lagu dhawaaqo, si uu wada-tashiyo ula yeesho xisbiyada, kaddibna uu xildhibaan ugu xilsaaro dhismaha xukuumadda.

Xildhibaanka la igmado waxa uu haystaa 28 maalmood oo uu ku soo dhiso gole wasiirro oo hela kalsoonida Baarlamaanka, waxaana waqtigaas loogu kordhin karaa ugu badnaan 14 maalmood oo dheeri ah. 

Haddii uu xildhibaankaasi ku guuldarreysto, Madaxweynuhu wuxuu fursadda wareejin karaa xildhibaan kale. Sidoo kale,marxaladaha dambe, 61 xildhibaan ayaa si wadajir ah usoo magacaabi kara musharrax u xilsaaran dhismaha xukuumadda.

Sharciga Israa’iil ayaa oggol in xukuumad aan haysan 61 kursi ay xilka qabato, balse shardi looga dhigay inay codka kalsoonida ka hesho xildhibaanno ka badan kuwa diidmada u codeeya inta lagu guda jiro fadhiga ansixinta.

Haddii dhammaan dadaalladaas ay fashilmaan, dalka ayaa si toos ah u gelaya doorashooyin horleh. Ilaa inta laga soo dhisayo xukuumad cusub, xukuumadda xil-gaarsiinta ee Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sii wadi doonta maamulka dalka.

 

XIGASHO:َAA
Raadi Warar Kale
Israa’iil oo dishay in ka badan 800 oo macallin oo Falastiiniyiin ah tan iyo Oktoobar 2023
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Arusha Kula Kulmay Xildhibaannada Soomaaliya ku Matala EALA
Dowladda Soomaaliya: Weerarrada Muqdisho waxay hoos u dhaceen ku dhowaad 90%
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay wafdi ka socda Talyaaniga
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaabilay Wafdi Sare oo ka Socda Ciidanka Cirka Pakistan
Wasiirka Gaashaandhigga Fiqi oo Qaabilay Taliyaha TURKSOM iyo Wafdi Milatari oo Turki ah
RW Xamza oo ku baaqay hirgelinta shaqaalaysiinta ku salaysan kartida iyo mudnaanta
Wasiiru-dawlaha Gaashaandhigga oo Hindise-sharciyeedka Difaaca Qaranka Hor-geeyay Baarlamaanka
Soomaaliya oo Jabuuti Kaga Qaybgalaysa Shirweynaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee IGAD
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya
Wasiirka Amniga oo ka Qaybgalay Madasha Caalamiga ah ee Iskaashiga Amniga Dadweynaha ee Shiinaha
Wasiirka Amniga Gudaha oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Beijing
Al-Burhan iyo Afwerki oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Suudaan iyo Ereteriya
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirrada Jabuuti iyo Yemen
Nabad-ilaaliyeyaal Itoobiyaan ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo lagu dilay Koonfurta Suudaan
Doorashada Saambiya: Madaxweyne Hichilema oo ku wajahan muddo-xileedkiisa labaad
Cutubyo cusub oo ka tirsan ciidanka Haramcad oo tababar loogu soo xiray xerada TURKSOM
Soomaaliya: Kumannaan askari oo tababar ciidan loogu soo xiray dugsiga Xananbuure, Galguduud
Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya