| Somali
SIYAASADDA
2 daqiiqo akhris
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Furay Shirweynaha Saddexaad ee Qaran ee Kormeerka iyo Qiimeynta
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa Muqdisho ka furay Shirweynaha SNMEC 2026, isagoo adkeeyay muhiimadda isla-xisaabtanka, cabbirka waxqabadka hay’adaha dowladda iyo adeegsiga xog lagu kalsoonaan karo.
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Furay Shirweynaha Saddexaad ee Qaran ee Kormeerka iyo Qiimeynta
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Furay Shirweynaha Saddexaad ee Qaran ee Kormeerka iyo Qiimeynta / SONNA

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furay Shirweynaha Saddexaad ee Qaran ee Kormeerka iyo Qiimeynta (SNMEC 2026), kaas oo diiradda lagu saarayo isla-xisaabtanka dowladda, cabbirka waxqabadka iyo horumarka laga gaaray hirgelinta qorshayaasha horumarinta qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay in guusha qorshayaasha qaranka lagu cabbiro hirgelintooda iyo natiijooyinka muuqda ee ay bulshada u keenaan, isagoo xusay in hay’adaha dowladdu ay tahay inay muujiyaan waxqabad cad oo lagu xaqiijin karo xog iyo caddeymo lagu kalsoonaan karo.

Wuxuu iftiimiyay horumarka laga gaaray dhinacyo ay ka mid yihiin kobaca dhaqaalaha, adeegyada bulshada, shaqaaleysiinta macallimiinta, ballaarinta xarumaha caafimaadka iyo maalgashiyada la hirgeliyay. Wuxuu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta hay’adaha dowladda iyo casriyeynta nidaamyada kormeerka waxqabadka iyo isla-xisaabtanka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa Wasaaradda Qorsheynta ku bogaadiyay hirgelinta Nidaamka Qaran ee Isku-dhafan ee Kormeerka iyo Qiimeynta Elektaroonigga ah (e-NIMES), kaas oo loogu talagalay dardargelinta howlaha kormeerka iyo qiimeynta guud ahaan dalka iyo fududeynta helitaanka xog sax ah oo lagu kalsoonaan karo.

Wuxuu ugu baaqay hay’adaha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka inay waqtigooda ku soo gudbiyaan xogta waxqabadkooda, isagoo sidoo kale saaxiibbada horumarinta ku boorriyay inay taageeradooda waafajiyaan mudnaanta qaranka iyo nidaamyada dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaas ku daray muhiimadda ay xogta iyo caddeymaha lagu kalsoonaan karo u leeyihiin go’aan-qaadashada, qorsheynta miisaaniyadda iyo horumarinta adeegyada dadweynaha. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in jaamacadaha, cilmi-baarayaasha iyo xirfadlayaasha dhallinyarada ah laga qeybgeliyo dadaallada horumarinta qaranka.


XIGASHO:SONNA