| Somali
SIYAASADDA
1 daqiiqo akhris
Wasaaradda Amniga Gudaha oo Wafdi Mareykan ah Kala Hadashay Dib-u-habeynta Hay’adaha Amniga
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya, Maxamed Shiire, ayaa Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, iyagoo ka wada hadlay dib-u-habeynta hay’adaha amniga iyo xoojinta isla-xisaabtanka
Wasaaradda Amniga Gudaha oo Wafdi Mareykan ah Kala Hadashay Dib-u-habeynta Hay’adaha Amniga
Wasaaradda Amniga Gudaha oo Wafdi Mareykan ah Kala Hadashay Dib-u-habeynta Hay’adaha Amniga / SONNA

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya, Maxamed Shiire, ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayay Kyle Conahan, oo ah Maareeyaha Sare ee Barnaamijyada, waxaana ku wehliyay Bob Flannery, oo qaabilsan arrimaha Bariga Afrika.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray horumarka laga gaaray dejinta siyaasadaha iyo sharciyada lagu maamulayo hay’adaha amniga Soomaaliya, xoojinta kormeerka iyo isla-xisaabtanka guud ahaan waaxda amniga, iyo ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wata.

Kulankan ayaa qeyb ka ah wada shaqeynta joogtada ah ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Mareykanka ee ku saabsan horumarinta hay’adaha amniga iyo xoojinta iskaashiga hay’adaha labada dal.


XIGASHO:SONNA