| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo tababarka diblumaasiyiinta
Heshiiska ayaa labada machad u oggolaanaya inay isdhaafsadaan aqoonta iyo khibradaha, isla markaana ay si wadajir ah u qabtaan tababarro, siminaarro iyo cilmi-baaris lagu horumarinayo xirfadaha diblumaasiyiinta iyo wada-shaqaynta hay’adaha labada dal
Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo tababarka diblumaasiyiinta
Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo tababarka diblumaasiyiinta / Others

Machadyada Daraasaadka Diblumaasiyadda ee Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa Khamiistii, 12-kii Nofeembar, magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada tababarka diblumaasiyiinta, cilmi-baarista iyo horumarinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha.

Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday Agaasimaha Machadka Daraasaadka Diblumaasiyadda Soomaaliya (IDS), Maxamed Guure, iyo Agaasimaha Machadka Daraasaadka Diblumaasiyadda Jabuuti (IED), Xasan Cumar Maxamed.

Munaasabadda saxiixa ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Xamza Aadan Xaadow, iyo Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya, Cismaan Doubad.

Heshiiska ayaa labada machad u oggolaanaya inay isdhaafsadaan aqoonta iyo khibradaha, isla markaana ay si wadajir ah u qabtaan tababarro, siminaarro iyo cilmi-baaris lagu horumarinayo xirfadaha diblumaasiyiinta iyo wada-shaqaynta hay’adaha labada dal.

Iskaashiga diblumaasiyadda iyo ka hortagga colaadaha

Heshiiska ayaa la saxiixay xilli Muqdisho ay ka socotay booqasho shaqo oo ay ku joogeen xubno ka socda Hannaanka Digniinta Hore iyo Ka Jawaabista Colaadaha (CEWARN) ee Urur-goboleedka IGAD.

Hannaankan ayaa dalalka xubnaha ka ah IGAD ka caawiya inay iska kaashadaan ogaanshaha khataraha colaadaha iyo dadaallada looga hortagayo, gaar ahaan gobolka Geeska Afrika.

Iskaashiga cusub ee machadyada Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa diiradda saaraya tayeynta aqoonta diblumaasiyadeed iyo xoojinta xiriirka hay’adaha labada dal.

Agaasimaha Machadka Jabuuti oo Soomaaliya ku soo laabtay 39 sano kadib

Booqashadan ayaa sidoo kale Xasan Cumar Maxamed u ahayd markii ugu horreysay ee uu Soomaaliya yimaado muddo 39 sano ah.

Xasan ayaa markii ugu dambeysay Soomaaliya yimid isagoo la socday aabbihii, oo ahaa Safiirkii ugu horreeyay ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, kana soo shaqeeyay dalka intii u dhexeysay 1978 iyo 1987.

Soo laabashadiisa Muqdisho ayaa ku soo beegantay munaasabadda heshiiska cusub ee labada machad, kaas oo loogu talagalay in lagu ballaariyo iskaashiga waxbarashada iyo tababarka diblumaasiyiinta Soomaaliya iyo Jabuuti.

XIGASHO:TRT SOMALI