| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Guddoomiyaha SoDMA oo COP31 ku Iftiimiyay Barakaca Cimilada iyo Adkeysiga Bulshooyinka
Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Shirweynaha COP31 kaga qeybgalay dood heer sare ah oo looga hadlay barakaca ka dhasha isbeddelka cimilada, saameynta abaaraha iyo fatahaadaha, iyo adkeysiga bulshooyinka.
Guddoomiyaha SoDMA oo COP31 ku Iftiimiyay Barakaca Cimilada iyo Adkeysiga Bulshooyinka
Guddoomiyaha SoDMA oo COP31 ku Iftiimiyay Barakaca Cimilada iyo Adkeysiga Bulshooyinka / SONNA

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka qeybgalay dood heer sare ah oo lagu qabtay Xarunta Bandhigga IGAD ee Shirweynaha COP31, taas oo diiradda lagu saaray xiriirka ka dhexeeya isbeddelka cimilada, barakaca dadka iyo xoojinta awoodda bulshooyinka ee u adkeysiga dhibaatooyinka ka jira dalalka xubnaha ka ah IGAD.

Kulankan oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Urur Goboleedka IGAD, Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) iyo Dowladda Talyaaniga ayaa lagu falanqeeyay sida abaaraha, fatahaadaha iyo khataraha kale ee la xiriira isbeddelka cimiladu u saameeyaan barakaca dadka iyo ilaha nololeed, iyadoo la adkeeyay baahida loo qabo la-qabsiga isbeddelka cimilada iyo maalgelinta xalal waara.

Ka qeybgalayaasha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta nidaamyada saadaasha iyo digniinta hore, horumarinta tallaabooyinka ka hortagga ah ee la qaado ka hor inta aysan musiibooyinku dhicin, iyo adeegsiga xogta iyo falanqeynta khataraha si loo taageero tallaabooyin wax ku ool ah oo waqtigooda la qaado.

Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa adkeeyay muhiimadda iskaashiga heer gobol iyo heer caalami, maalgelin waarta iyo xoojinta diyaar-garowga musiibooyinka, si loo yareeyo khataraha musiibooyinka, loo badbaadiyo nolosha dadka, loona xoojiyo awoodda adkeysiga iyo ilaha nololeed ee bulshooyinka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen isbeddellada cimilada.

XIGASHO:SONNA