Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa si rasmi ah u furay dood heer sare ah oo lagu qabtay Xarunta Bandhigga Soomaaliya ee Shirweynaha COP31, isagoo carrabka ku adkeeyay doorka waxbarashadu ku leedahay horumarinta Qorshaha Qaranka ee La-qabsiga Isbeddelka Cimilada (NAP) ee Soomaaliya.
Dooddan oo lagu qabtay hareeraha Maalinta Carruurta, Dhallinyarada, Waxbarashada iyo Xirfadaha ee Shirweynaha COP31, ayaa diiradda lagu saaray sidii waxbarashada la xiriirta isbeddelka cimilada loogu dari lahaa Qorshaha Qaranka ee La-qabsiga Isbeddelka Cimilada, dhallinyaradana loogu qalabeyn lahaa aqoon iyo xirfado la xiriira cimilada, isla markaana loo xoojin lahaa iskaashiga hay'adaha si loo dhiso bulshooyin u adkeysan kara saameynta isbeddelka cimilada.
Kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay waxbarashada iyo ka qeybgalka dhallinyaradu u leeyihiin xoojinta awoodda Soomaaliya ee la-qabsiga isbeddelka cimilada iyo wax ka qabashada saameyntiisa.























