| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Kenya oo casriyeysay xarunteeda la dagaallanka argagixisada
Xaruntan oo la aasaasay sannadkii 2015, kuna taalla xarunta Fusion Center ee Nairobi, ayaa loogu talagalay inay xoojiso wada-shaqaynta hay’adaha amniga Kenya, gaar ahaan isdhaafsiga xogaha sirdoonka iyo ka hortagga weerarrada argagixisada.
Kenya oo casriyeysay xarunteeda la dagaallanka argagixisada
Kenya oo casriyeysay xarunteeda la dagaallanka argagixisada / Others

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Kipchumba Murkomen, ayaa Khamiistii si rasmi ah u furay Xarunta Wadajirka ah ee Falanqaynta Xogaha Argagixisada (JCTAC) ee magaalada Nairobi, kadib markii dib-u-habayn iyo casriyeyn lagu sameeyay.

Xaruntan oo la aasaasay sannadkii 2015, kuna taalla xarunta Fusion Center ee Nairobi, ayaa loogu talagalay inay xoojiso wada-shaqaynta hay’adaha amniga Kenya, gaar ahaan isdhaafsiga xogaha sirdoonka iyo ka hortagga weerarrada argagixisada.

Wasiir Murkomen ayaa sheegay in iskaashiga hay’adaha kala duwan ee amniga, tayeynta awooddooda, xiriirka ay Kenya la leedahay dalalka gobolka iyo saaxiibbada caalamiga ah, iyo maalgashiga teknoolojiyadda ay si weyn u yareeyeen weerarrada argagixisada ee dalka.

Hase yeeshee, wuxuu ka digay in khatarta argagixisadu ay weli jirto, loona baahan yahay feejignaan joogto ah iyo horumarinta hababka looga hortago weerarrada.

Murkomen ayaa sheegay in xarunta la casriyeeyay ay fududeyn doonto wadaagga xogaha sirdoonka iyo isku-duwidda hawlaha hay’adaha amniga qaranka.

Xarunta JCTAC ayaa tan iyo markii la aasaasay qayb ka ahayd dadaallada lagu fashilinayo shabakadaha argagixisada ka hor inta aysan weerarro fulin, sida uu sheegay wasiirku.

Munaasabadda furitaanka waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka Kenya (NIS), Noordin Haji, iyo Taliye Ku-xigeenka Guud ee Booliska u qaabilsan Adeegga Booliska Maamulka (APS), Gilbert Masengeli, iyo mas’uuliyiin kale oo sare oo ka tirsan dowladda.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in casriyeynta xaruntan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda hay’adaha amniga ee la dagaallanka argagixisada, iyadoo la adeegsanayo xogaha sirdoonka, teknoolojiyadda iyo iskaashiga hay’adaha kala duwan.

XIGASHO:TRT SOMALI