| Somali
SIYAASADDA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Gaashaandhigga Fiqi oo Qaabilay Taliyaha TURKSOM iyo Wafdi Milatari oo Turki ah
Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, ayaa qaabilay wafdi saraakiil milatari oo Turki ah oo uu hoggaaminayay Taliyaha Akadeemiyadda Tababarka Militariga TURKSOM, Sarreeye Gaas Sabahattin Kalkan.
Wasiirka Gaashaandhigga Fiqi oo Qaabilay Taliyaha TURKSOM iyo Wafdi Milatari oo Turki ah
Wasiirka Gaashaandhigga Fiqi oo Qaabilay Taliyaha TURKSOM iyo Wafdi Milatari oo Turki ah / SONNA

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil milatari oo Turki ah oo uu hoggaaminayay Taliyaha Akadeemiyadda Tababarka Militariga TURKSOM, Sarreeye Gaas Sabahattin Kalkan.

Wafdiga waxaa ka mid ahaa Kabtan Dr. Haldun S. Çetinarslan, U-qeybsanaha Arrimaha Militariga iyo Ciidamada Badda ee Turkiga, oo soo gabagabeynaya muddadii xilkiisa Soomaaliya, iyo Gaashaanle Sare Dr. Mehmet Serhan Yıldız, U-qeybsanaha cusub ee Arrimaha Ciidamada Cirka ee Turkiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada tababarka iyo kor u qaadista awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa bogaadiyay doorka TURKSOM ee tababarka iyo horumarinta xirfadaha aqooneed ee ciidamada Soomaaliyeed. Wuxuu Dawladda Turkiga uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso dadaallada Soomaaliya ee dib loogu dhisayo ciidamadeeda qalabka sida, laguna xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya
Wasiirka Amniga oo ka Qaybgalay Madasha Caalamiga ah ee Iskaashiga Amniga Dadweynaha ee Shiinaha
Wasiirka Amniga Gudaha oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Beijing
Al-Burhan iyo Afwerki oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Suudaan iyo Ereteriya
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirrada Jabuuti iyo Yemen
Nabad-ilaaliyeyaal Itoobiyaan ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo lagu dilay Koonfurta Suudaan
Doorashada Saambiya: Madaxweyne Hichilema oo ku wajahan muddo-xileedkiisa labaad
Cutubyo cusub oo ka tirsan ciidanka Haramcad oo tababar loogu soo xiray xerada TURKSOM
Soomaaliya: Kumannaan askari oo tababar ciidan loogu soo xiray dugsiga Xananbuure, Galguduud
Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya
NISA oo sheegtay in toddobo xubnood oo Al-Shabaab ah lagu dilay Shabeellaha Hoose
Ilhaan Cumar oo aqlabiyad weyn ku guulaysatay doorashadii is-reebreebka Xisbiga Dimuqraadiga
Soomaaliya: Guddiga Doorashooyinka oo la kulmay wakiillada Beesha Caalamka
Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka
Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta dooranaya Guddoomiye cusub
Muqdisho-Islamabad: Wasiir Fiqi oo wada-hadallo xasaasi ah la yeeshay Taliyaha Milatariga Pakistan
Baarlamaanka Yugaandha oo meelmariyay qorshe ciidamo loogu dirayo marinka Qaza
Dowlad Deegaanka Soomaalida oo xarumaha diinta iyo waxbarashada Islaamka ku soo rogay nidaam cusub
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo ka tanaasulay dhalashadii Kenya