| Somali
SIYAASADDA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Gaashaandhigga Fiqi oo Qaabilay Taliyaha TURKSOM iyo Wafdi Milatari oo Turki ah
Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, ayaa qaabilay wafdi saraakiil milatari oo Turki ah oo uu hoggaaminayay Taliyaha Akadeemiyadda Tababarka Militariga TURKSOM, Sarreeye Gaas Sabahattin Kalkan.
Wasiirka Gaashaandhigga Fiqi oo Qaabilay Taliyaha TURKSOM iyo Wafdi Milatari oo Turki ah
Wasiirka Gaashaandhigga Fiqi oo Qaabilay Taliyaha TURKSOM iyo Wafdi Milatari oo Turki ah / SONNA

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil milatari oo Turki ah oo uu hoggaaminayay Taliyaha Akadeemiyadda Tababarka Militariga TURKSOM, Sarreeye Gaas Sabahattin Kalkan.

Wafdiga waxaa ka mid ahaa Kabtan Dr. Haldun S. Çetinarslan, U-qeybsanaha Arrimaha Militariga iyo Ciidamada Badda ee Turkiga, oo soo gabagabeynaya muddadii xilkiisa Soomaaliya, iyo Gaashaanle Sare Dr. Mehmet Serhan Yıldız, U-qeybsanaha cusub ee Arrimaha Ciidamada Cirka ee Turkiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada tababarka iyo kor u qaadista awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa bogaadiyay doorka TURKSOM ee tababarka iyo horumarinta xirfadaha aqooneed ee ciidamada Soomaaliyeed. Wuxuu Dawladda Turkiga uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso dadaallada Soomaaliya ee dib loogu dhisayo ciidamadeeda qalabka sida, laguna xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Israa’iil oo dishay in ka badan 800 oo macallin oo Falastiiniyiin ah tan iyo Oktoobar 2023
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Arusha Kula Kulmay Xildhibaannada Soomaaliya ku Matala EALA
Dowladda Soomaaliya: Weerarrada Muqdisho waxay hoos u dhaceen ku dhowaad 90%
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay wafdi ka socda Talyaaniga
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaabilay Wafdi Sare oo ka Socda Ciidanka Cirka Pakistan
RW Xamza oo ku baaqay hirgelinta shaqaalaysiinta ku salaysan kartida iyo mudnaanta
Wasiiru-dawlaha Gaashaandhigga oo Hindise-sharciyeedka Difaaca Qaranka Hor-geeyay Baarlamaanka
Soomaaliya oo Jabuuti Kaga Qaybgalaysa Shirweynaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee IGAD
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya
Wasiirka Amniga oo ka Qaybgalay Madasha Caalamiga ah ee Iskaashiga Amniga Dadweynaha ee Shiinaha
Wasiirka Amniga Gudaha oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Beijing
Al-Burhan iyo Afwerki oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Suudaan iyo Ereteriya
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirrada Jabuuti iyo Yemen
Nabad-ilaaliyeyaal Itoobiyaan ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo lagu dilay Koonfurta Suudaan
Doorashada Saambiya: Madaxweyne Hichilema oo ku wajahan muddo-xileedkiisa labaad
Cutubyo cusub oo ka tirsan ciidanka Haramcad oo tababar loogu soo xiray xerada TURKSOM
Soomaaliya: Kumannaan askari oo tababar ciidan loogu soo xiray dugsiga Xananbuure, Galguduud
Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya
NISA oo sheegtay in toddobo xubnood oo Al-Shabaab ah lagu dilay Shabeellaha Hoose