| Somali
SIYAASADDA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Amniga oo ka Qaybgalay Madasha Caalamiga ah ee Iskaashiga Amniga Dadweynaha ee Shiinaha
Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ka qaybgalay furitaanka Madasha Caalamiga ah ee Iskaashiga Amniga Dadweynaha 2026 ee ka dhacaysa magaalada Lianyungang ee Shiinaha.
Wasiirka Amniga oo ka Qaybgalay Madasha Caalamiga ah ee Iskaashiga Amniga Dadweynaha ee Shiinaha
Wasiirka Amniga XFS oo ka Qaybgalay Madasha Caalamiga ah ee Iskaashiga Amniga Dadweynaha ee Shiinaha / SONNA

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa ka qaybgalay furitaanka Madasha Caalamiga ah ee Iskaashiga Amniga Dadweynaha 2026, oo lagu qabtay magaalada Lianyungang ee Shiinaha.

Madasha ayaa isu keentay in ka badan 2,100 oo ka qaybgalayaal ah oo ka kala socda 139 dal, gobollo iyo ururro caalami ah, si loo xoojiyo iskaashiga amniga loona horumariyo jawaabaha wadajirka ah ee khataraha amni ee xuduudaha ka gudba.

Ajandaha madasha waxaa ka mid ah doodaha ku saabsan la dagaallanka argagixisada iyo dambiyada abaabulan, dambiyada internetka, dambiyada la xiriira daroogada, amniga socdaalka iyo adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah ee xoojinta amniga dadweynaha.

Ka qaybgalka Soomaaliya ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay ballaarinta iskaashiga amniga caalamiga ah, is-weydaarsiga khibradaha iyo horumarinta habab casri ah oo looga hortagayo dambiyada abaabulan, laguna wajahayo khataraha amni ee cusub ee xuduudaha ka gudba.

XIGASHO:SONNA