| Somali
SIYAASADDA
1 daqiiqo akhris
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaabilay Wafdi Sare oo ka Socda Ciidanka Cirka Pakistan
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Ciidanka Cirka Pakistan, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray horumarinta Ciidanka Cirka Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Pakistan.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaabilay Wafdi Sare oo ka Socda Ciidanka Cirka Pakistan
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaabilay Wafdi Sare oo ka Socda Ciidanka Cirka Pakistan / SONNA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Ciidanka Cirka Pakistan.

Wafdiga waxaa hoggaaminayay Air Marshal Muhammad Sarfraz, Taliyaha Difaaca Cirka ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan. Kulanka waxaa ka qaybgalay Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya, Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta Ciidanka Cirka Soomaaliya, iyadoo si gaar ah xoogga loo saaray xoojinta awooddiisa, kor u qaadista tayada iyo tababarka ciidamada, iyo xoojinta iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Pakistan.

Dadaalladan ayaa qayb ka ah qorshayaasha lagu horumarinayo laguna dhisayo Ciidanka Cirka Soomaaliya, lagu dardargelinayo shaqada Taliska Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, laguna xoojinayo awoodda difaaca cirka ee Soomaaliya.

XIGASHO:SONNA