Laba askari oo Itoobiyaan ah, kana tirsanaa ciidamada nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay, ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay dalka Koonfurta Suudaan.
Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaaraysay falkan oo muujinaya xasillooni-darrada sii kordhaysa ee dalkaas, xilli ay dawladdu isku dayayso inay qabato doorashooyinkii ugu horreeyay abid bisha Diseembar ee soo socota.
Weerarkan ayaa ka dhacay gobolka Jonglei ee bariga dalkaas, halkaas oo dhawaanahan ay ku dagaallamayeen ciidamada dawladda iyo xoogagga mucaaradka.
Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Koonfurta Suudaan (UNMISS) ayaa sheegay in kooxo hubaysan oo aan la garanayn ay jidka u galeen kolonyo nabad-ilaaliyeyaal ah oo ku sii jeeday magaalada Pajut, falkaas oo ay ku tilmaameen inuu noqon karo mid u dhigma dambiyo dagaal.
Weerarkaas waxaa ku dhintay laba askari oo nabad-ilaaliyeyaal ah, halka toddoba kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo isugu jira saddex nabad-ilaaliye, laba askari oo ka tirsan booliska Koonfurta Suudaan, iyo laba qof oo rayid ah.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa si adag u cambaareeyay dhacdadan, sida uu sheegay afhayeenkiisa Stephane Dujarric. Sidoo kale, madaxa hawlgalka UNMISS, Anita Kiki Gbeho, ayaa falkan ku tilmaantay mid aan la aqbali karin, iyadoo tacsi u dirtay qoysaskii ay ka baxeen askartaas, kuwa dhaawaca ahna u rajaysay caafimaad degdeg ah.
Hawlgalka ayaa isla markiiba goobta u diray ciidamo si degdeg ah uga jawaaba xaaladaha noocan ah.
Dilkan ayaa qayb ka ah dhibaatooyinka is-daba-joogga ah ee dalkaas ka dhacaya, iyadoo horraantii bishan ay Qaramada Midoobay sheegtay in sanadkan gudihiisa la dilay 36 qof oo ka shaqaynayay gargaarka bini’aadanimo.
Koonfurta Suudaan oo xornimada qaadatay sanadkii 2011-kii ayaa durba gashay dagaal sokeeye, inkastoo heshiis awood-qaybsi ah oo la saxiixay 2018-kii uu dagaalkaas soo afjaray.
Hase yeeshee, heshiiskaas ayaa bilihii la soo dhaafay aad u wiiqmay kaddib markii madaxweyne ku-xigeenka dalkaas Riek Machar, oo ah ninka ay sida weyn isku hayaan Madaxweyne Salva Kiir, xabsi guri la geliyay lagana xayuubiyay xilkii uu hayay.
Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Koonfurta Suudaan ayaa asbuucii hore ka digay in haddii doorasho la qabto iyadoo xaaladdu sidaan tahay, ay taasi horseedi karto dagaal horleh iyo dambiyo xasuuq.
Guddiga ayaa warbixintooda ku sheegay in dalku uu marayo marxaladdii ugu halista badnayd, iyadoo ay sii xumaanayso xaaladda siyaasadeed, midda ammaan, iyo tan bini’aadanimo.
Arrintaas waxaa sii adkaynaya gargaarkii dalkaas la siin jiray oo si weyn loo dhimay, taas oo keentay in Qaramada Midoobay ay ka digto in raashinkii la siin jiray qaxootiga iyo dadka barakacayaasha ah uu istaagi doono asbuucyo gudahood dhaqaale-xumo awgeed.





















