| Somali
SIYAASADDA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Turkiga oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Caddaaladda iyo Garsoorka
Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa magaalada Istanbul kula kulmay dhiggiisa Turkiga, Akın Gürlek, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada caddaaladda iyo garsoorka.
Soomaaliya iyo Turkiga oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Caddaaladda iyo Garsoorka
Soomaaliya iyo Turkiga oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Caddaaladda iyo Garsoorka / SONNA

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa magaalada Istanbul kula kulmay dhiggiisa Turkiga, Akın Gürlek, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada caddaaladda iyo arrimaha garsoorka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga garsoorka, baaritaannada dambiyada, tababarka iyo horumarinta aqoonta xirfadlayaasha sharciga, casriyeynta nidaamyada caddaaladda iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyadda, iyo kobcinta awoodda shaqaalaha ka hawlgala waaxda caddaaladda.

Kulanka ayaa ka dhacay dhinaca Shirka Caalamiga ah ee Caddaaladda oo Wasiir Xasan Macallin uu kaga qaybgalayo magaalada Istanbul, wuxuuna qayb ka yahay dadaallada socda ee lagu xoojinayo xiriirka labada dal iyo is-weydaarsiga khibradaha si loo horumariyo adeegyada caddaaladda iyo hay’adaha garsoorka ee labada dal.

XIGASHO:SONNA