| Somali
SIYAASADDA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Amniga Gudaha oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Beijing
Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa booqday Safaaradda Soomaaliya ee Beijing, isagoo Shiinaha uga qaybgalaya shir amni oo diiradda lagu saarayo iskaashiga Shiinaha iyo Somaliya.
Wasiirka Amniga Gudaha oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Beijing
Wasiirka Amniga Gudaha oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Beijing / SONNA

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa booqday Safaaradda Soomaaliya ee Beijing, taas oo qayb ka ah kulamada rasmiga ah ee uu ku leeyahay Shiinaha.

Wasiirka ayaa ka qaybgalaya Shir Amni oo diiradda lagu saarayo Iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha.

Booqashada ayaa fursad muhiim ah u ahayd xoojinta isku-dubbaridka hay’adaha dowladda, iyo sidoo kale iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amni ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

“Waxaan u mahadcelinayaa Safaaradda Soomaaliya ee Beijing soo dhaweynta diirran iyo dadaallada joogtada ah ee ay ku horumarineyso danaha qaranka Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiirku.

XIGASHO:SONNA