| Somali
SIYAASADDA
1 daqiiqo akhris
Wasiiru-dawlaha Gaashaandhigga oo Hindise-sharciyeedka Difaaca Qaranka Hor-geeyay Baarlamaanka
Wasiiru-dawlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi ayaa Golaha Shacabka hor-geeyay warbixinta akhrinta koowaad ee Hindise-sharciyeedka Difaaca Qaranka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Gaashaandhigga.
Wasiiru-dawlaha Gaashaandhigga oo Hindise-sharciyeedka Difaaca Qaranka Hor-geeyay Baarlamaanka
Wasiiru-dawlaha Gaashaandhigga oo Hindise-sharciyeedka Difaaca Qaranka Hor-geeyay Baarlamaanka

Wasiiru-dawlaha Gaashaandhigga, Cumar Cali Cabdi, ayaa maalintii Isniinta xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya hor-geeyay warbixinta akhrinta koowaad ee Hindise-sharciyeedka Difaaca Qaranka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Kulanka 15-aad ee kalfadhiga siddeedaad ee Baarlamaanka ayaa waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Wasiiru-dawlaha ayaa ka jawaabay su’aalaha xildhibaannada iyo aragtiyihii ay ka dhiibteen mabaadi’da guud ee Hindise-sharciyeedka, si waafaqsan Qodobka 84-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha.

Hindise-sharciyeedka Difaaca Qaranka ayaa muhiim u ah dhismaha iyo xoojinta qaab-dhismeedka sharci ee difaaca qaranka. Xubnaha Golaha Shacabka ayaa maalmaha soo socda ka doodi doona Hindise-sharciyeedka, iyadoo uu u gudbayo marxaladaha xiga ee loo marayo ansixintiisa.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Arusha Kula Kulmay Xildhibaannada Soomaaliya ku Matala EALA
Dowladda Soomaaliya: Weerarrada Muqdisho waxay hoos u dhaceen ku dhowaad 90%
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay wafdi ka socda Talyaaniga
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaabilay Wafdi Sare oo ka Socda Ciidanka Cirka Pakistan
Wasiirka Gaashaandhigga Fiqi oo Qaabilay Taliyaha TURKSOM iyo Wafdi Milatari oo Turki ah
RW Xamza oo ku baaqay hirgelinta shaqaalaysiinta ku salaysan kartida iyo mudnaanta
Soomaaliya oo Jabuuti Kaga Qaybgalaysa Shirweynaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee IGAD
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya
Wasiirka Amniga oo ka Qaybgalay Madasha Caalamiga ah ee Iskaashiga Amniga Dadweynaha ee Shiinaha
Wasiirka Amniga Gudaha oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Beijing
Al-Burhan iyo Afwerki oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Suudaan iyo Ereteriya
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirrada Jabuuti iyo Yemen
Nabad-ilaaliyeyaal Itoobiyaan ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo lagu dilay Koonfurta Suudaan
Doorashada Saambiya: Madaxweyne Hichilema oo ku wajahan muddo-xileedkiisa labaad
Cutubyo cusub oo ka tirsan ciidanka Haramcad oo tababar loogu soo xiray xerada TURKSOM
Soomaaliya: Kumannaan askari oo tababar ciidan loogu soo xiray dugsiga Xananbuure, Galguduud
Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya
NISA oo sheegtay in toddobo xubnood oo Al-Shabaab ah lagu dilay Shabeellaha Hoose
Ilhaan Cumar oo aqlabiyad weyn ku guulaysatay doorashadii is-reebreebka Xisbiga Dimuqraadiga