Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sare u qaadday dadaalladeeda ku aaddan ballaarinta xiriirkeeda diblomaasiyadeed ee caalamka, kaddib markii laba danjire oo matalaya qaranka ay waraaqahooda aqoonsiga u gudbiyeen madaxweynayaasha dalalka Sri Lanka iyo Kirgistaan.
Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya, ahna Safiirka aan deegaan ku ahayn dalka Sri Lanka, Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowaa, ayaa 20-kii Abriil 2026 magaalada Colombo waraaqihiisa aqoonsiga diblomaasiyadeed ugu gudbiyay Madaxweynaha dalka Sri Lanka, Anura Kumara Dissanayake.
Kaddib munaasabaddaas, Danjiraha ayaa Madaxweynaha la yeeshay kulan gaar ah oo diiradda lagu saaray soo-celinta xiriirka tooska ah ee diblomaasiyadeed iyo xoojinta iskaashiga laba-geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, ganacsiga, iyo isdhaafsiga aqoonta iyo khibradaha.
Kulankan waxaa Danjiraha ku wehlinayay Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Hindiya, Maxamed Cabdi Ibraahim (Qowdhan), iyadoo labada dhinac ay isku raaceen in si wadajir ah looga faa’iidaysto fursadaha jira mustaqbalka dhow.
Dhanka kale, Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa 21-kii Abriil 2026 isna waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kirgistaan (Kyrgyzstan), Sadyr Japarov, isagoo isna qaadaya doorka danjire aan degaan rasmi ah ku lahayn dalkaas.
Tallaabadan dambe ayaa ku suntan dhacdo taariikhi ah, maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee ay dowladda Soomaaliya safiir u magacowdo dalka Kirgistaan, taas oo labada dal u horseedaysa in ay galaan xilli cusub oo xiriir diblomaasiyadeed ah.
Waxaa xusid mudan in labadan waddan ay sanadkii tegay ee 2025-kii heshiis wada-shaqayn ah ku kala saxiixdeen xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.
Dhaqdhaqaaqyadan is-barbar socda ee diblomaasiyadeed ayaa muujinaya in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay dalalka caalamka la yeelato xiriir waara oo ku salaysan iskaashi dhab ah, is-ixtiraam, iyo wax-wada-qabsi buuxa, si loo xaqiijiyo danaha qaranka.


























