Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb-gashay kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Dejinta Bini’aadamka (UN-Habitat) ee sanadkan, kaas oo ka qabsoomay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Nairobi, dalka Kenya.
Wafdiga Soomaaliya ku matalayay shirkan oo uu hoggaaminayey Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Saciid Maxamed Maxamuud (Xayd), ayaa waxaa ku wehliyay Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee hay’adda UN-Habitat, Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, iyo saraakiil ka tirsan safaaradda.
Soomaaliya ayaa sannadkii la soo dhaafay loo doortay xubin ka tirsan Guddiga Fulinta ee hay’addan, iyadoo hadda door firfircoon ku leh hannaanka maamulka iyo dejinta jihada mustaqbalka ee UN-Habitat.
Kulankan oo ay ka soo qayb-galeen wasiirro, diblomaasiyiin, iyo saraakiil caalami ah, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta isla-xisaabtanka, hagaajinta maamulka maaliyadda, iyo horumarinta barnaamijyada la xiriira degsiimooyinka bini’aadamka, iyadoo lala waafajinayo Yoolalka Horumarinta Waara ee Qaramada Midoobay.
Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo khudbad ka jeediyay kalfadhiga ayaa sheegay in Soomaaliya ay la jaanqaadayso mowqifka Kooxda Dalalka Afrika, isagoo hay’adda uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso dalalka xubnaha ka ah si loo horumariyo magaalooyin waara.
Danjiraha ayaa bogaadiyay hoggaanka Guddiga Fulinta ee uu dalka Jarmalku hormuudka ka yahay iyo dadaallada dowladda Kenya ee martigelinta Madasha Magaalooyinka Afrika. Wuxuuna xusay in arrimaha la xiriira guryeynta, magaaloobidda xawliga ku socota, iyo isbeddelka cimiladu ay weli yihiin caqabado u baahan xalal waara.
“Soomaaliya waxaa ka go’an in ay si dhow ula shaqeyso dhammaan saaxiibbada caalamka si loo horumariyo hoy ku filan iyo magaalooyin waara,” ayuu yiri Danjire Jabriil.
Madashan ayaa Soomaaliya u ahayd fursad ay ku xoojiso xiriirkeeda diblomaasiyadeed ee hay’adaha caalamiga ah, kula wadaagto aragtideeda horumarinta magaalooyinka, islamarkaana ay khibrado is-dhaafsi la samayso dalalka kale si xal loogu helo caqabadaha jira, waddooyinna loogu furo iskaashi miro-dhal ah.
Dhanka kale, Soomaaliya iyo dalka Azerbaijan oo xilligan si wadajir ah u hoggaaminaya guddiga ugu sarreeya caalamka ee guriyeynta, ayaa la filayaa in ay warbixin wadajir ah soo jeediyaan maalinta labaad ee shirka.























