Guddiga Midowga Afrika ayaa maalintii Axadda si kulul u cambaareeyay wararka sheegaya in Israa’iil ay qorshaynayso in ay wakiil diblomaasiyadeed u magacawdo Somaliland, iyagoo ka digay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah oo la siiyo gobolka gooni-u-goosadka ah uu noqon doono mid “waxba kama jiraan ah,” isla markaana uu wiiqi karo xasilloonida gobolka.
War-murtiyeed kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in Midowga Afrika uu “walaac xooggan ka muujinayo, si adagna u cambaaraynayo” go’aankaas la tabiyay, isagoo mar kale ku celiyay “ixtiraamka hagar-la’aanta ah” ee uu ururku u hayo madax-bannaanida, midnimada, iyo bed-qabka dhuleed ee Soomaaliya, kaas oo waafaqsan shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da aasaasiga ah ee lagu aasaasay Midowga Afrika.
“Midowgu uma aqoonsana Somaliland in ay tahay dowlad madax-bannaan,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.
Guddiga ayaa tixraacay war-murtiyeed 6-dii Jannaayo 2026 kasoo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, kaas oo hoosta ka xarriiqay in tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo lagu aqoonsanayo Somaliland aysan yeelan doonin wax ansaxnimo sharci ah, isla markaana ay halis gelin karto xasilloonida Geeska Afrika.
Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991-kii, balse ilaa iyo hadda ma aysan helin aqoonsi caalami ah oo ballaaran.
Ugu dambeyn, Midowga Afrika ayaa caddeeyay in ay wali ka go’an tahay garab istaagga iyo taageeridda nabadda, dowlad-dhiska, iyo isku-duubnida qaranka Soomaaliya.























