Dowladda Iiraan ayaa cambaaraysay go’aanka la soo wariyay ee ay Israa’iil wakiil diblomaasiyadeed ugu magacawday Somaliland, taas oo ah maamul ku dhawaaqay gooni-isu-taag balse ay Soomaaliya u aragto qayb muhiim ah oo ka mid ah dhulkeeda madax-bannaan.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Esmaeil Baghaei, oo warbaahinta la hadlay maalintii Isniinta, ayaa tallaabadan ku tilmaamay “xad-gudub qaawan” oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, iyo caqabad toos ah oo liddi ku ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
“Tallaabadan aan loo meel-dayin waxay si cad uga hor imanaysaa Axdiga Qaramada Midoobay iyo shuruucda caalamiga ah,” ayuu yiri afhayeen Baqaa’i, isagoo ka digay in arrintani ay sii qoto-dheerayn karto kala-qaybsanaanta iyo xasillooni-darrada guud ahaan gobolka.
Afhayeenka ayaa ku eedeeyay Israa’iil in ay waddo siyaasado halis gelinaya in ay kiciyaan xiisado horleh oo ka dhasha Geeska Afrika iyo meelo ka baxsan. Wuxuu xusay in tallaabadani ay ka tarjumayso hab-dhaqan ballaaran oo faragelin ah, taas oo uu sheegay in ay xasilloonida ka carqaladayn karto dalalka Islaamka, kana dhex abuuri karto kala-qaybsanaan dowladaha gobolka.
Israa’iil ayaa dhawaan magacawday safiirkeedii ugu horreeyay ee ay u dirto gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland, taas oo muujinaysa qorsheyaal ay ku ballaarinayso xiriirkeeda diblomaasiyadeed ee ay la leedahay maamulkan ku dhawaaqay in uu Soomaaliya ka go’ay sanadkii 1991-kii, balse aan wali aqoonsi ka helin beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay toona.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si joogto ah u diidda aqoonsi ama xiriir kasta oo ay dowladaha shisheeye la yeeshaan Somaliland iyadoo loola macaamilayo sidii dowlad madax-bannaan.
Muqdisho ayaa marar badan cambaaraysay tallaabooyinka noocaas ah, iyadoo ku tilmaamtay xad-gudubyo ka dhan ah wadajirkeeda dhuleed, waxayna ku celcelisay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya.
Somaliland ayaa u shaqaynaysay maamul iskiis u taagan tan iyo markii ay ku dhawaaqday madax-bannaanida sanadkii 1991-kii, iyadoo samaysatay hay’ado maamul, nidaam siyaasadeed, iyo dhismeed amni oo u gaar ah. In kasta oo ay horumarradaas gaartay, haddana ma aysan helin aqoonsi rasmi ah oo caalami ah.
Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa sii wadda in ay Somaliland u aragto qayb muhiim ah oo ka mid ah Soomaaliya, waxayna si joogto ah uga hortagtaa xiriir kasta oo toos ah oo dhexmara dowlado shisheeye iyo maamulkaas, iyadoo ka digaysa in falalka noocaan ah ay wiiqayaan midnimada Soomaaliya, kana hor imaanayaan sharciga caalamiga ah.
Dhinaca kale, Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo dhowr dal oo Carbeed iyo kuwa Islaam ah ayaa iyaguna cambaareeyay tallaabada Israa’iil.
War-murtiyeed wadajir ah oo ay Sabtidii soo saareen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Sacuudi Carabiya, Qadar, Masar, Suudaan, Liibiya, Bangaladesh, Aljeeriya, Falastiin, Turkiga, Indooniisiya, Baakistaan, Kuweyt, Mauritania, Urdun, Cumaan, Lubnaan, iyo Yemen, ayay ku tilmaameen tallaabadan mid ah “xad-gudub qaawan oo ka dhan ah madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.”
Ururrada heer gobol, oo ay ka mid yihiin Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo Midowga Afrika, ayaa sidoo kale soo saaray bayaanno ay ku diidayaan arrintan.
Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Abuul Qeyd, ayaa si kulul u cambaareeyay magacaabistan la soo tabiyay, isagoo ku tilmaamay xad-gudub loo geystay madax-bannaanida Soomaaliya iyo tallaabo wiiqaysa mabaadi’da soo-jireenka ah ee sharciga caalamiga ah.
Ugu dambeyn, afhayeen Baqaa’i ayaa ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah in ay tallaabo ka qaadaan waxa uu ku tilmaamay “sharci-darro, is-ballaarin, iyo faragelin” lagu hayo arrimaha gudaha ee dalalka, isagoo carrabka ku adkeeyay mas’uuliyadda saaran beesha caalamka ee ah in la dhowro madax-bannaanida Soomaaliya, lagana hortago xasillooni-darro horleh oo gobolka ku timaadda.






















