Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu, iyo wafdi ka socday safaaradda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan taageerada Shiinaha ee horumarinta iyo dhismaha awoodda ciidamada ammaanka iyo dadaallada lagula dagaallamayo xagjirnimada.
Wasiirka Amniga Gudaha ayaa uga mahadceliyay dowladda Shiinaha taageerada joogtada ah ee ay siiso hay’adaha amniga Soomaaliya, isagoo xusay in iskaashiga noocan ahi uu door muhiim ah ka ciyaaro xasilloonida iyo amniga dalka.
Danjire Wang Yu ayaa dhankiisa ballanqaaday in dalkiisu joogtayn doono taageerada dhinaca amniga, isaga oo si gaar ah u xusay hormarinta hay’adda miino-baarista Soomaaliya iyo kobcinta xirfadaha shaqaalaha si loo yareeyo khatarta miinooyinka loona kordhiyo badbaadada shacabka.
Kulanka waxaa wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Maxamed H. Shire, iyo La-taliyaha Sare ee wasaaradda, Shoki Hayir.
Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la sii xoojiyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo xasilloonida.























