Dadweynaha iyo madaxda deegaanka ee gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Kenya ayaa dalbaday in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo falkii toogashada ahaa ee dhawaan loo gaystay darawal tagsi oo dhallinyaro ahaa, kaas oo ka dhacay ismaamulka Gaarisa.
Dhacdadan ayaa kicisay dibadbaxyo xooggan, waxaana ay dib u soo noolaysay eedeymaha la xiriira tacaddiyada iyo dhaqanka ciidamada booliska.
Laamaha ammaanka ayaa sheegay in dhibbanaha oo magaciisa lagu sheegay Aadan Maxamed, oo ahaa 22 jir, la toogtay aroornimadii hore ee Talaadada, xilli uu ku sugnaa bar-koontarool oo boolisku leeyihiin, taas oo ku taalla aagga Modika ee duleedka magaalada Gaarisa.
Goobjoogeyaal iyo qoyska marxuumka ayaa ku dooday in toogashada ay timid kaddib markii ay murmeen darawalka iyo sargaal ka tirsan booliska.
Sida ay dadka deegaanku sheegeen, Maxamed ayaa u gurmaday laba qof oo ay is-yaqaaneen kuwaas oo la sheegay in lagu xiray barta koontarool abaaro 2:00-dii habeenimo, iyagoo weydiistay in uu caawiyo.
Waa xilligaas marka la sheegay in uu dhashay muranka sababay in sargaalka booliska ahi uu darawalka meel dhow isaga toogto. Ilaa iyo maalintii Talaadada, ciidamada boolisku wax warbixin ah oo faahfaahsan kama aanay soo saarin dhacdadan.
Dilkan ayaa dhaliyay mudaharaadyo ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Gaarisa, halkaas oo boqolaal dadweyne ahi ay isugu soo baxeen waddooyinka, iyagoo xiray jidadka, mararkana isku dhacyo la galay ciidamada booliska.
Dibadbaxayaasha ayaa dambe meydka marxuumka horgeeyay Saldhigga Booliska ee Gaarisa, iyagoo dalbaday in la xiro sargaalka falkan gaystay, lana soo afjaro wax ay ugu yeereen falalka isdaba-joogga ah ee dilalka ka baxsan sharciga.
Madaxda deegaanka iyo hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in kiiskani uu ka turjumayo walaaca isa-soo-taraya ee laga qabo awood-sheegashada xad-dhaafka ah ee ay laamaha ammaanku ka wadaan gobolka.
Senator-ka ismaamulka Gaarisa, Cabdulqaadir Xaaji, ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid dhallinaysa walaac xooggan oo aan loo arki karin mid iskeed u dhacday, isagoo dalbaday in la sameeyo baaritaan madax-bannaan oo hufan.
Dhanka kale, Xildhibaanka laga soo doorto Degmada Gaarisa, Dekow Barrow, ayaa isna dalbaday in laamaha baaritaanku ay qaadaan tallaabo degdeg ah.
Wuxuu ugu baaqay Agaasinka Baaritaanka Dembiyada iyo Taliyaha Guud ee Booliska in ay si degdeg ah oo go’aan leh caddaaladda u horkeenaan sargaalka mas’uulka ka ahaa falkan, isagoo ka digay isku-day kasta oo lagu qarinayo dhacdadan ama si khaldan loogu tilmaamayo dhibbanaha.
Sidoo kale, Xildhibaanadda Haweenka ee ismaamulka Gaarisa, Udgoon Siyaad, ayaa iyaduna ugu baaqday Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Kipchumba Murkomen, in uu tallaabo adag ka qaado saraakiisha lagu helo eeddan, iyadoo xubnaha golaha deegaanka ismaamulka ay iyaguna xoojiyeen baaqyada la xiriira isla-xisaabtanka.
Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Gaarisa ee Garissa Human Rights Watch ayaa dalbatay in si degdeg ah loo xiro sargaalka lagu eedeynayo falkan, waxayna ka digtay in faragelin lagu sameeyo baaritaanka, iyagoo sheegay in ay tahay “in caddaaladda loo oggolaado in ay waddadeeda qaadato.”
Mas’uuliyiinta deegaanka qaarkood ayaa iyaguna dilkan la xiriiriyay xaalad guud oo soo socotay.
Wakiilka deegaanka Baraki, Xasan Geley, ayaa sheegay in kiiskani uu ka mid yahay dhacdooyin dhowr ah oo la soo wariyay biloyinkii la soo dhaafay, taas oo muujinaysa wax ay bulshadu ku tilmaantay xiriirka sii xumaanaya ee u dhexeeya booliska iyo shacabka.
Mudaharaadyadan ayaa hakad geliyay dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee qaybo ka mid ah magaalada Gaarisa, iyadoo waddooyinka la xiray, xiisadduna ay wali kacsan tahay.
Ciidamada ammaanka ayaa la daad-gureeyay si ay u xakameeyaan dibadbaxyada, waxaana soo baxaya warar sheegaya in sunta dadka ka ilmeysiisa loo adeegsaday kala-cayrinta dadweynaha.
Sanadihii u dambeeyay dalka Kenya ayaa wajahayay eedeymo isdaba-joog ah oo la xiriira tacadiga booliska, arrintaas oo keentay in hay’adaha madaxa-bannaan ee kormeerka booliska IPOA iyo Agaasinka Baaritaanka Dembiyada DCI ay bilaabaan dabagal.
Hay’adaha dowladda ayaa la filayaa in ay furaan baaritaanno ku saabsan toogashadan ka dhacday Gaarisa, xilli uu kordhayo culeyska lagu dalbanayo isla-xisaabtan si looga hortago xaaladda oo sii xumaata.




























