| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay mashaariic lagu horumarinayo kaabayaasha dowladda
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha casriga ah ee xarunta dhexe ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, sidoo kalena dhagax-dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay mashaariic lagu horumarinayo kaabayaasha dowladda
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay mashaariic lagu horumarinayo kaabayaasha dowladda / User Upload

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ku daah-furay laba mashruuc oo miisaan weyn ku leh horumarinta kaabayaasha dowladda, isagoo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, isla markaana dhagax-dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta dalka.

Munaasabadda dhagax-dhigga Xarunta Horumarinta Manaahijta oo uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku tilmaamay in xaruntani ay saldhig u noqon doonto tayeynta iyo casriyeynta nidaamka waxbarashada qaranka.

Wuxuu xusay in manhaj tayo leh uu yahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu kobcinayo aqoonta jiilasha soo koraya, isagoo dhanka kalena shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay banneeyaan dhulalka danta guud iyo xarumaha dowladda, si loogu diyaariso xafiisyo bulshada loogu adeego.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha casriga ah ee xarunta dhexe ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha.

Wuxuu tilmaamay in dhismahan cusub, oo loo qalabeeyay qaab la jaanqaadaya xafiisyada hay’adaha dowladda ee casriga ah, uu dabooli doono baahidii shaqo ee wasaaradda, qaybna ka yahay qorshaha ballaaran ee Xukuumadda DanQaran ay kor ugu qaadayso hufnaanta adeegga dadweynaha iyo kobaca dhaqaalaha dalka.

Intii uu ku guda jiray munaasabadahan, Ra’iisul Wasaaraha ayaa shaaciyay qorsheyaal muhiim ah oo xukuumaddu ay waddo, kuwaas oo isugu jira in koronto bilaash ah la gaarsiiyo dhammaan xarumaha dowladda iyo kuwa danta guud sida isbitaallada iyo iskuullada, iyo mashaariic biyo-gelin ah oo haatan gacanta lagu hayo kuwaas oo laga fulinayo in ka badan 20 magaalo oo ku kala yaalla gobollada dalka.

Munaasabaddan xarig-jarka ah ee xarunta dhexe ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin sarsare oo ay ugu horreeyaan Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Cabdullaahi Xasan Aadan.

Sidoo kale, waxaa madasha ka soo qayb-galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa adkeeyay baahida degdegga ah ee loo qabo isku-tashi bulsho iyo mid dowladeed, isagoo xusay in isbeddelka ku yimid dhaqaalaha adduunka uu xukuumadda ku riixayo in ay mudnaan gaar ah siiso isku-filaanshaha iyo wax-soo-saarka khayraadka waddanka, si gaar ah dhinacyada korontada, biyaha, iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah.

XIGASHO:SONNA