Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa si rasmi ah xarunta dhexe ee wasaaradda uga daah-furay Carwada Qalabka iyo Teknooloojiyadda Beeraha.
Madashan ayaa lagu soo bandhigay qalab iyo teknooloojiyad casri ah oo si gaar ah loogu talagalay in lagu horumariyo wax-soo-saarka beeraha dalka, korna loogu qaado tayada iyo hufnaanta hababka beerashada.
Bandhiggan ayaa fursad muhiim ah u abuuray beeraleyda iyo iskaashatooyinka beeraha si ay u bartaan, indhahoodana ugu arkaan, farsamooyinka cusub ee gacan ka geysan kara kobcinta wax-soo-saarkooda.
Carwadan ayaa waxaa ka soo qayb-galay beeraaleey iyo iskaashatooyin kala duwan oo ka kala yimid caasimadda Muqdisho iyo gobollada dalka, kuwaas oo si weyn uga faa’iidaystay xogta qalabka iyo teknooloojiyadda cusub ee dalka la keenay.
Tallaabooyinka ugu muhiimsan ee carwadan lagu daah-furay waxaa ka mid ahaa barnaamij iskaashi oo dhexmaray Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, shirkadaha bixiya maalgelinta, iyo shirkadaha keena qalabka beeraha.
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa sheegtay in barnaamijkan uu u oggolaanaya beeraleyda in ay qalabka beeraha ku qaataan nidaam deyn ah oo qiimo-dhimis wata, lacagtana ay isaga bixiyaan qaab qayb-qayb ah oo u sahlayso in aysan culeys dhaqaale dareemin.
Hindisahan ayaa qayb ka ah dadaallada xiriirka ah ee ay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ku xoojinayso taageeridda beeraleyda Soomaaliyeed, dhiirrigelinta hal-abuurka, kordhinta wax-soo-saarka, iyo xaqiijinta sugnaanta cuntada ee qaranka.






















