| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Madaxda Bangiga Adduunka iyo IMF
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray saameynta dhaqaale ee ka dhalatay xaaladaha cakiran ee caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, isbeddellada juquraafi-siyaasadeed, iyo saameynta isbeddelka cimilada.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Madaxda Bangiga Adduunka iyo IMF
Washington: Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo kulamo miro-dhal la qaatay Madaxda Bangiga Adduunka iyo IMF / Social Media

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dhowaan gaaray magaalada Washington D.C ee dalka Mareykanka, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Madaxweyne Ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee dalalka Bariga iyo Koonfurta Afrika, Ndiame Diop.

Wafdiga Wasiirka ayaa magaalada Washington u tagay si ay uga qayb-galaan Shirarka Xilliga Gu’ga ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka, halkaas oo ay isugu yimaadaan madaxda maaliyadda ee caalamka.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray saameynta dhaqaale ee ka dhalatay xaaladaha cakiran ee caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, isbeddellada juquraafi-siyaasadeed, iyo saameynta isbeddelka cimilada, kuwaas oo dhammaantood si toos ah u taabanaya kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay dadaallada isdaba-joogga ah ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu jirto xoojinta dakhliga gudaha, horumarinta maamulka maaliyadda guud, iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, si loo xaqiijiyo horumar waara oo isku-filnaansho leh.

Intii ay shirarku socdeen, Wasiirka ayaa sidoo kale kulamo doceedyo muhiim ah la yeeshay madax kala duwan.

Waxa uu kulan la qaatay Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), Dr. Maxamed Maait, iyo Agaasimaha Waaxda Bariga Dhexe iyo Bartamaha Aasiya ee isla hay’addaas, Jihad Azour.

Kulamadan ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay horumarka laga sameeyay dhaqangelinta barnaamijka dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya, caqabadaha ka dhashay isbeddelka cimilada, saameynta xiisadaha juquraafi-siyaasadeed ee gobolka iyo caalamka, iyo sidii loo heli lahaa fursado maalgelin oo horseeda horumar waara.

Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in IMF ay tahay bah-wadaag muhiim u ah isbeddelka iyo dib-u-dhiska dhaqaalaha dalka.

Dhanka kale, Wasiir Biixi ayaa la kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Hay’adda Maaliyadda Adduunka (IFC) ee gobolka Afrika, Tafara, iyagoo ka wada hadlay sidii loo dhiirrigelin lahaa, loona taageeri lahaa maalgashiga qaybta gaarka loo leeyahay (Private Sector) ee dalka.

Guud ahaan, Wasiirka Maaliyadda iyo wafdigiisa ayaa intii ay ku sugnaayeen Washington D.C waxay kulamo miro-dhal ah la yeesheen mas’uuliyiin sarsare oo ka kala tirsan Bangiga Adduunka, IMF, Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera horumarka Soomaaliya.

XIGASHO:TRT SOMALI
Raadi Warar Kale
Midowga Afrika oo cambaareeyay qorshaha la tabiyay ee Israa’iil ku aaddan Somaliland
Soomaaliya oo cambaaraysay tallaabada Israa’iil ee Somaliland
Muqdisho oo u istaagtay badbaadinta Shilin Soomaaliga xilli ay ganacsatadu diideen adeegsigiisa
Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo cambaareeyay magacaabista Israa’iil ee wakiilka Somaliland
Jabuuti oo door muuqda ka qaadanaysa Shirweynaha Midowga Baarlamaannada Adduunka (IPU)
Taliyaha Ciidanka Dhulka CXDS oo kormeer amni ku tagey deegaannada la xoreeyay ee Shabeellaha Hoose
Danjiraha cusub ee Hindiya oo waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Soomaaliya
Soomaaliya oo dejisay istaraatiijiyad qaran oo cusub oo lagula dagaallamayo musuqmaasuqa (2026–2030)
Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku qaabilay ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay
Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo kormeeray xarumaha hay’adda
Tababar ku saabsan doorka gabdhaha ee Garaad Gacmeedka (AI) oo ka furmay Muqdisho
Soomaaliya oo si adag u cambaaraysay xadgudubka Israa’iil ee ka dhanka ah madax-bannaanideeda
Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari oo Laascaanood ka daah-furay ololaha toddobaadka dhir-beerista
Wasaaradaha Deegaanka iyo Dhallinyarada oo si wadajir ah u hirgeliyay Ololaha Dhir-beerista Qaranka
Hay’adaha Hanti-dhawrka Soomaaliya iyo Turkiga oo tababar aqoon isweydaarsi ah uga furmay Ankara
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo hawlgal ballaaran ku dilay 27 xubnood oo Al-Shabaab ah
Soomaaliya: Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha oo kulan miro-dhal ah la qaatay Wakiillada Warshadaha
Soomaaliya oo si rasmi ah Midowga Afrika ugu gudbisay Axdiga Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta
Soomaaliya oo qabatay kulan ku saabsan horumarinta Dhaqaalaha Buluugga ah
Wasiir Israa’iili ah oo canaantay Ra'iisul Wasaaraha Jarmalka kadib digniintiisii Daanta Galbeed